— Maxkamadda Dastuuriga ah ee Cameroon ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha muddada dheer xilka hayay Paul Biya, oo 92 jir ah, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee ugu dambeysay, taasoo sii dheeraynaysa maamulkiisa ka badan afartanka sano.
Biya, oo ah madaxwaynaha ugu da’da weyn ee xil haya dunida, ayaa helay 53.66% codadka doorashadii la qabtay Oktoobar 12, isagoo ka adkaaday saaxiibkiisii hore ee hadda mucaaradka ah Issa Tchiroma Bakary, kaas oo helay 35.19%.
Go’aankan ayaa yimid kadib isku dhacyo rabshado wata oo ka dhacay dalka oo dhan, gaar ahaan magaalada Douala, halkaas oo ugu yaraan afar qof lagu dilay in ka badan 100 qofna la xiray, kadib markii ciidamada ammaanku adeegsadeen gaaska dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadkii mudaaharaadayay ee dalbanayay natiijooyin daah furan
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dhowr askari ay ku dhaawacmeen rabshadaha, halka dowladduna ay ku eedeysay taageerayaasha mucaaradka inay qorsheynayeen weerarro rabshado wata.
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay toddobaadyadii ka horreeyay doorashada, iyadoo go’aanka Madaxwayne Biya ee uu markale isku soo taagay xilka uu and uga cadhaysiiyay dhalinyarada iyo mucaaradka. Mucaaradku waxay ku eedeeyeen inu hay’adaha iyo awooda dowladda uu u adeegsaday in uu doorashada ku shubto
Cameroon, oo ah dal ku yaalla galbeedka Afrika oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 30 milyan oo qof, ayaa Madaxwayne biya xukumayay tan iyo 982-kii.
Awale dayr
e-mail Awale@stnsomali.com
