Madaxa ciidamada Ice Tom Homan, ayaa sheegay in howlgalka qab qabashada dadka aan sharciga haysan ee ku sugnaa gobolka Minnesota uu soo dhammaanayo.
Homan ayaa maanta sheegay in hawlgalka loo yaqaan “Operation Metro Surge” uu dhamaanayo toddobaadka soo socda. Ciidamada federaalka ee ku sugan Minnesota ayaa dib loogu celin doonaa xarumahooda rasmiga ah ama loo wareejin doonaa gobollo kale oo dalka ah oo u baahan xoojinta hawlgallada socdaalka.
Howlgalkan ayaa ahaa mid qayb ka ah olole ballaaran oo heer qaran ah oo lagu adkeynayay fulinta sharciyada socdaalka.
Faahfaahin rasmi ah lagama bixin tirada saraakiisha ku lugta lahayd ama natiijooyinka guud ee howlgalka, balse joojintiisa ayaa muujinaysa in maamulka federaalku uu beddelayo mudnaanta goobaha ay xoogga saarayeen.
Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa la filayaa inay si dhow ula socdaan sida uu u saameyn doono dhammaadka hawlgalkan howlaha socdaalka ee gobolka toddobaadyada soo socda.
