Real Madrid ayaa soo afjartay afar guuldarro oo xiriir ah oo ay ka haysatay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, kaddib markii ay Axaddii 2-1 ku garaacday kulankii ugu horreeyay ee El Clásico xilli ciyaareedkan.
Madrid ayaa guusha ku gaartay iyadoo goolal u dhaliyeen Kylian Mbappé iyo Jude Bellingham.
Guushan ay ka gaartay garoonkeeda Santiago Bernabéu ayaa ka dhigtay in Madrid ay shan dhibcood ka hormarto Barcelona kaddib 10 kulan.
Mbappé ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqaddii 22-aad isagoo ka helay caawin uu siiyay Bellingham. Barcelona ayaa barbarreysay daqiiqaddii 38-aad iyadoo uu gool u dhaliyay Fermín López, balse Bellingham ayaa dhaliyay goolka guusha ee Madrid daqiiqaddii 43-aad.
Mbappé ayaa markale fursad weyn seegay markii goolhayaha Barcelona Wojciech Szczęsny uu badbaadiyay rigooradiisii daqiiqaddii 52-aad.
awale dayr
awale@stnsomali.com
