October 22, 2026
1. Qodobbadii ugu Muhiimsanaa ee ay Soo Bandhigtay Amy Klobuchar Senator Amy Klobuchar, oo ah musharraxadda Xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaysa xilka Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, ayaa doodda ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan hoggaaminta gobolka, la dagaallanka musuqmaasuqa, dhaqaalaha iyo amniga bulshada. 1. Dhaliilaha ay u jeedisay Guddoomiye Tim Walz Klobuchar ayaa sheegtay in Guddoomiye Tim Walz ay ahayd inuu tallaabooyin degdeg ah qaado si looga hortago musuqmaasuqa iyo ku takri-falka dhaqaalaha barnaamijyada dowladda. Waxay sidoo kale ka hortimid doorkii uu Walz ku lahaa cafis muran badan dhaliyay. 2. Dhaliilaha ay u jeedisay Madaxweyne Donald Trump Klobuchar ayaa dhaliishay siyaasadaha canshuuraha lagu soo rogo badeecadaha dibadda laga keeno ee Madaxweyne Trump, iyo saameynta dhaqaale ee dagaalka Iran. Waxay sidoo kale su’aal gelisay in musharraxadda Jamhuuriga, Lisa Demuth, ay ku dhiirran karto inay ka hortimaaddo Trump marka siyaasaddiisu dhaawacayso danaha Minnesota. 3. La dagaallanka musuqmaasuqa Waxay ballanqaadday inay xoojin doonto baaritaannada la xiriira musuqmaasuqa, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in maxkamadaha la horgeeyo dadka lagu helo lunsashada hantida dadweynaha. 4. Xallinta dhibaatada guryaha Klobuchar ayaa sheegtay inay la shaqayn doonto shirkadaha gaarka loo leeyahay si gobolka Minnesota looga dhiso 100,000 oo guri oo cusub, taas oo ay ku doonayso inay wax kaga qabato yaraanta guryaha iyo kororka qiimaha kirada iyo iibsiga. 5. Sugidda amniga bulshada Waxay soo jeedisay in la xoojiyo wada shaqaynta hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Waaxda Dambi-baarista Minnesota (BCA), si loo kordhiyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha burcadda ah iyo dambiyada abaabulan. Farriinteeda guud: Amy Klobuchar waxay ku adkaysatay in haddii la doorto, maamulkeedu uu ka duwanaan doono kan Tim Walz, isla markaana ay diyaar u tahay inay la shaqayso labada xisbi si loo horumariyo Minnesota. 2. Qodobbadii ugu Muhiimsanaa ee ay Soo Bandhigtay Lisa Demuth Lisa Demuth, oo ah musharraxadda Xisbiga Jamhuuriga, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Minnesota, ayaa doodda xoogga ku saartay musuqmaasuqa, isla xisaabtanka dowladda, dhimista canshuuraha iyo adkaynta amniga gobolka. 1. Dhaliilaha ay u jeedisay Guddoomiye Tim Walz Demuth ayaa ku eedaysay maamulka Tim Walz inuu ku guuldarraystay ka hortagga musuqmaasuqa ka dhex dhacay barnaamijyada dowladda. Waxay ku doodday in haddii Amy Klobuchar la doorto, ay sii socon doonaan siyaasadaha maamulka Walz, halkii laga heli lahaa isbeddel dhab ah....