1. Qodobbadii ugu Muhiimsanaa ee ay Soo Bandhigtay Amy Klobuchar
Senator Amy Klobuchar, oo ah musharraxadda Xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaysa xilka Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, ayaa doodda ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan hoggaaminta gobolka, la dagaallanka musuqmaasuqa, dhaqaalaha iyo amniga bulshada.
1. Dhaliilaha ay u jeedisay Guddoomiye Tim Walz
Klobuchar ayaa sheegtay in Guddoomiye Tim Walz ay ahayd inuu tallaabooyin degdeg ah qaado si looga hortago musuqmaasuqa iyo ku takri-falka dhaqaalaha barnaamijyada dowladda. Waxay sidoo kale ka hortimid doorkii uu Walz ku lahaa cafis muran badan dhaliyay.
2. Dhaliilaha ay u jeedisay Madaxweyne Donald Trump
Klobuchar ayaa dhaliishay siyaasadaha canshuuraha lagu soo rogo badeecadaha dibadda laga keeno ee Madaxweyne Trump, iyo saameynta dhaqaale ee dagaalka Iran. Waxay sidoo kale su’aal gelisay in musharraxadda Jamhuuriga, Lisa Demuth, ay ku dhiirran karto inay ka hortimaaddo Trump marka siyaasaddiisu dhaawacayso danaha Minnesota.
3. La dagaallanka musuqmaasuqa
Waxay ballanqaadday inay xoojin doonto baaritaannada la xiriira musuqmaasuqa, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in maxkamadaha la horgeeyo dadka lagu helo lunsashada hantida dadweynaha.
4. Xallinta dhibaatada guryaha
Klobuchar ayaa sheegtay inay la shaqayn doonto shirkadaha gaarka loo leeyahay si gobolka Minnesota looga dhiso 100,000 oo guri oo cusub, taas oo ay ku doonayso inay wax kaga qabato yaraanta guryaha iyo kororka qiimaha kirada iyo iibsiga.
5. Sugidda amniga bulshada
Waxay soo jeedisay in la xoojiyo wada shaqaynta hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Waaxda Dambi-baarista Minnesota (BCA), si loo kordhiyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha burcadda ah iyo dambiyada abaabulan.
Farriinteeda guud: Amy Klobuchar waxay ku adkaysatay in haddii la doorto, maamulkeedu uu ka duwanaan doono kan Tim Walz, isla markaana ay diyaar u tahay inay la shaqayso labada xisbi si loo horumariyo Minnesota.
2. Qodobbadii ugu Muhiimsanaa ee ay Soo Bandhigtay Lisa Demuth
Lisa Demuth, oo ah musharraxadda Xisbiga Jamhuuriga, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Minnesota, ayaa doodda xoogga ku saartay musuqmaasuqa, isla xisaabtanka dowladda, dhimista canshuuraha iyo adkaynta amniga gobolka.
1. Dhaliilaha ay u jeedisay Guddoomiye Tim Walz
Demuth ayaa ku eedaysay maamulka Tim Walz inuu ku guuldarraystay ka hortagga musuqmaasuqa ka dhex dhacay barnaamijyada dowladda. Waxay ku doodday in haddii Amy Klobuchar la doorto, ay sii socon doonaan siyaasadaha maamulka Walz, halkii laga heli lahaa isbeddel dhab ah.
2. Mawqifkeeda ku aaddan Madaxweyne Donald Trump
Inkasta oo Demuth ay ka tirsan tahay Xisbiga Jamhuuriga, haddana waxay sheegtay inay Trump ku khilaafsan tahay arrimo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah canshuuraha badeecadaha dibadda laga keeno, soo dejinta hilibka lo’da ee dalalka shisheeye iyo dagaalka Iran. Waxay sidoo kale sheegtay inay doonayso in dagaalkaasi sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjaro.
3. La dagaallanka musuqmaasuqa
Demuth waxay ballanqaadday inay xilalka ka qaadi doonto madaxda qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, isla markaana ay xoojin doonto ilaalinta shaqaalaha soo sheega musuqmaasuqa. Waxay sidoo kale sheegtay in baaritaanno adag lagu samayn doono cid kasta oo lagu tuhmo ku takri-falka lacagaha canshuur-bixiyeyaasha.
4. Guryaha iyo dhimista canshuuraha
Waxay soo jeedisay in la yareeyo sharciyada iyo shuruudaha caqabadda ku ah dhismaha guryaha, la dhimo canshuuraha hantida ma-guurtada ah, isla markaana la fududeeyo culayska canshuuraha laga qaado dakhliga hawlgabka ee Social Security.
5. Sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada
Demuth ayaa ku baaqday in tallaabooyin adag laga qaado kooxaha burcadda ah ee ku lug leh dambiyada rabshadaha wata. Waxay soo jeedisay in la sameeyo guddi hawlgal oo gaar ah, kaas oo isku xidhaya hay’adaha ammaanka ee heer degmo, heer gobol iyo heer federaal si si wadajir ah loola dagaallamo dambiyada abaabulan.
Farriinteeda guud: Lisa Demuth waxay ku doodday in Minnesota ay wajahayo caqabado waaweyn oo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo hufnaanta maamulka ah, isla markaana loo baahan yahay hoggaan cusub oo wax ka beddela siyaasadaha hadda jira.
Gunaanad
Doodda labada musharrax ayaa si weyn u muujisay kala duwanaanshahooda siyaasadeed, inkasta oo ay labaduba isku raaceen muhiimadda ay leedahay la dagaallanka musuqmaasuqa, sugidda amniga iyo wax ka qabashada sicir-bararka.
Amy Klobuchar waxay isku dayday inay muujiso inay tahay hoggaamiye ka madax-bannaan siyaasadaha qaar ee Tim Walz, halka Lisa Demuth ay doonaysay inay caddeyso in Minnesota ay u baahan tahay isbeddel maamul iyo isla xisaabtan cusub.
BY AWALE DAYR
