Maanta labo sano ayaa ka soo wareegatay markii uu bilaabmay dagaalka gaza. Waxa uu ku bilaabmay dagaal yahanada ururka xamaas oo weerar kadis ah ku qaaday Isreal weerarkaasi waxay ku dileen kun iyo laba boqol oo israiiliyiin ah waxa kale oo ay afduubteen laba boqol iyo konton qof oo ay madax furasho u qaateen.
Israel oo Taa ka jawaabysa waxay bilowaday weeraro cir iyo dhul ah oo aan waxba loo aabo yeelin oo ilaa hada socda Ila iyo hada waxay dishay 67 kun oo qof oo falstiiniyiin ah oo kala badh ay yihiin caruur yar yar waxayna bara kicisay dad ka badan 2 milyan oo qof magaaladii gaza waxay noqotay magaalo burburtay dhaamnteed oo aan haba yaraatee laga helayn adeegyadii aasaasiga ahaa sida cuntada,dawooyinka iyo biyaha. Hada waxa magaalada qaahira ka socda dedeeladii uugu dambeeyay oo la rabo in colaadaa lagu soo afjaro. Suaasha hada la is waydiiyo ayaa ah xamaas u jeedadii weerarkaa ay u qaaday maxay ka faaiday?
