Qofka kiristanka ah hadii uu dhinto ma la odhan karaa alaha u naxariisto?
Jawaabtoo gaaban waa Haa .
Mar kasta oo u dhinto qof haysta diinta masiixiga waxa soo noq noqota su’aal ay somalidu is waydiiyaan oo ah qofka aan muslim ahyni marka uu dhinto ma la odhan karaa alaha u naxariisto.
Waxa jira dad badan oo arintaasi diida iyagoo adeegsanaya aayadani quraanka ah
مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَالَّذِينَ آمَنُوا أَن يَسْتَغْفِرُوا لِلْمُشْرِكِينَ وَلَوْ كَانُوا أُولِي قُرْبَىٰ مِن بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُمْ أَصْحَابُ
الْجَحِيمِ (113)
Aayada micneheeda marka aynu sheegno waa sidan ( nabiga iyo kuwa rumeeyayba uma ahaan in ay dambi dhaaf u dalbaan kuwa mushrikiinta ah xataa hadii ay yihiin qaraabo ka dib markii ay u cadaatay in ay ka mid yihiin asxaabta jaxiima.)
Aayadu waxay ku soo degtay nabiga adeerkii waxayna ha hadlaysaa mushrikiinta.
Lakiin aayadu kama hadlayso kiristan iyo yuhuuda. Quraanku labadaa qolo waxa uu yaqaanaa ehelu kitaab micnaha dadka kutubta loo soo dejiyay (injiil iyo tawraad)
Markaa ayadaasi waxay sheegaysaa uun mushrikiinta oo kaliya ee ma sheegayso ehelu kitaabka. Marka quraanka la eego farqi wayn baa u dhexeeya mushrikiinta iyo ehelu kitaanka.ehelu kitaabka waa dad ilaahy rumaysan lakiin nabiyada ku kala duwan halka mushrikiintu ay sanamyo caabudaan.
Gunaanad.
Qof kiristan hadii uu dhinto waa la odhan karaa ala u naxariisto lakiin tusaale ahaan qof hindu ah ama aaminsan diinta budhiisamka lama odhan karo alaha u naxariisto.
