Xildhibaan sir gavin williamson oo ka tirsan barlamaanka wadan uk ayaa madaxwayne c/raxmaan ciro ku casuumay magaalada london ee wadankaasi uk. munade willamson oo hoeayna u ahaan jiray wasiirkka gaashaandhiga boqortooyada midowday ayaa ah siyaasi aad ugu ololeeya arimaha somaliland wuxuna had iyo jeer dedaal badan ku bixiyaa sidii somaliland loo aqoonsan lahaa. williamson hadan waxa uu madax ka yahahay machad ka shaqeeyaa xidhiidhka boqortooyada midowday iyo qaarada afrika. macadkaasi ayaa casuumay madaxwayne ciro, kulankaasi waxa uu u suurto galindoonaa in madaxwayne ciro uu soo sameeyo xidhiidho badan oo caalmka u sii furfuraysa.
