Kadib markii si rasmi ah loo aasaasay xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland 26-kii Diseembar 2025, isla markaana la raacayo is-afgaradyadii la gaaray intii uu booqashada ku joogay Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, bishii hore, Dawladda Israa’iil waxay siisay oggolaansho (agrément) Safiirka ugu horreeya ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji.
Safiir Maxamed Xaaji ayaa hadda ah la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha sare ee door firfircoon ka qaatay dadaalladii lagu hirgelinayay xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland sannadkii 2025.
Sidoo kale, Safiir Israa’iili ah ayaa dhawaan loo magacaabi doonaa Somaliland — tallaabo kale oo lagu sii xoojinayo xiriirka labada dhinac.
Intaa waxaa dheer, toddobaadkan waxaa Israa’iil ka socda koorsooyin tababaro gaar ah oo ay qabaneyso MASHAV, Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, taas oo loogu talagalay Hay’adda Biyaha Somaliland . Kooras-kan waxaa loogu talagalay in lagu taageero dhismaha, horumarinta, iyo qorsheynta waaxda biyaha ee Somaliland, isla markaana lagu xoojiyo iskaashiga xirfadeed ee labada dhinac.
