Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Indonesia+SAWIRRO

141

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Soehadjono Sastromihardjo, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.

Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi aad u qoto dheer oo bilowday qarnigii tobanaad ee miilaadiya, kaasi oo saldhig u ahaa iskaashi iyo ganacsi is dhaafsi.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here