Wadankii ugu horeeya ee looga dhawaaqo in xirashada Maaska uu qasab yahay ilaa laga helo “dawada Karona” 

1995

Spain (STN) – Bayaan Rasmi ah oo muujinaya halista laga yaabo in ay ku soo food leedahay aduunka bilooyin soo socda ee la ku saaabsan Faysosk-ka cusub ee Karooona, ayuu Wasiirka Caafimaadka Isbaaniya Salvador Ella wuxuu shaaca ka qaaday in xirashada Maaska wajiga ay qasab ku ahaan doonto dadweynahiisa, gaar ahaan kuwa tago meelaha caamka ah ay  dadweynaha isugu imaadaan.

Wasiirka Caafimaadka Isbaaniya Mudne Ella oo shir-saxaafadeed qabtay ayaa yiri:  waa lagama maarmaan in dadka Reer Spain ay adeegsadaan  maaskarada (waji-xirashada) marka ey joogaan xaafadahooda  iyo bannaankaba mar haddii mid kasta oo ka mid ah uusan yeeli karin inuu masaafa dhan hal mitir iyo bar kan kale u jirsado”.

Wuxuu intaas ku daray  in tilaabadaasi dhawaani lagu qeexi doonaa go’aan nidaaminaya shuruucda la raaci doono ka dib markii la qaado xayiraadaha saaran dadweynaha ee la xariiro Karoona Feyroos.

Wasiirka ayaa sheegay in ka go’naanka ah xirasha maaska uu sii socon doono illaa ugu dambeyntii aan ka adkaano fayraska ama  aan helno daawo wax ku ool ah, ” Sida ay Wakaalada wararka “Reuters” ka soo xigatay wasiirk”.

Dalka Spain ayaa waxuu ka mid yahay waddammada caalamka ee sida badan u saameeyey Karoon, waxayna dowlada Spain ku  soo rogtay dalkoo dhan  xayiraado iyo go’doomin adaga bartamihii bishii Maarso, kadib markii uu si xun u saameeyey fayraska Karoona.

Dowladda ayaa hada waxay bilawday inay si tartiib tartiib ah u yareyso xannibaadaha ku saabsan ee Covid 19,  kadib markii uu si aad ah hoos ugu dhacday faafitaankii xanuunka.

Inta badan xayiraadaha saaran dhaqdhaqaaqa dadweynaha ayaa la qaadi doonaa 21 June, iyadoo la soo afjarayo xaaladda degdegga ah ee dalka lag galiyey, basle  dowladda waxay dooneysaa in shacabka sii waddaan xirashada maaska si aysan u dhicin in inuu soo laabto caabuqa.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com