Waare oo magacaabay wasiiro cusub, kuwa kalena xilka ka qaaday

1355

Jowhar (STN) – kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, waxaa xil ka qaadis Logu  sameeyey wasiiro ka tirsanaa Hirshabeele, halka kuwa cusubna uu  magacaabay.

qareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulkaasi, Mudane Gelle Isaaq, iyadoona xilkaasi loo mgacaabay Mudane Xasan Maxamed Cilmi.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in isna xilkii laga qaaday Luqmaan Haji Baarqab oo ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha HirShabelle, waxaana lagu bedalay, Mudane Yuusuf Sheekj Xasan Macalin.

Sababta xilka looga qaaday wasiiradaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo IN LA dardar-geliyo howlaha shaqo ee wasaaradaha amniga iyo maaliyadda ee maamulkaasi.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com