Somaliya oo ay soo wajahday “khatar saddex-geesood ah”

119

Ayaxa, Karoona iyo daadadka dilaaga ah ayaa ah “khatar saddex-geesood ah” oo ay wajahayaan malaayiin ku nool Somaliya iyo Bariga Afrika oo dhan.

Mas’uuliyiinta ka tirsna Hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha iyo cunada (FAO) ayaa ka digay Khamiista cayayaan gaarayo balaayiin oo duulaan ku soo ah bariga Afrika.

Hey’ada ayaa qiimeynteedii ​​ugu dambeysay ku sheegtay in xaaladdaha qeybo ka mid ah Bariga Afrika ay wali tahay “mid aad looga walwalo” maxaa yeelay waxaa la filayaa in ayaxa uu duulaan balaaran ku soo qaado dalalka ku yaalo geeska afrika bartamaha bisha lixaad/Juun, iyadoo ay ku beegan tahay xilligaas waqtigii beeralayda ay goosanayeen dalagooda, lagana baqayo inuu ku habsado ayaxa dalagyadii beeraha iyo dhulkii daaqa u ahaa xoolaha.

Ayadoo ay jirta halistaani ayaa waxaa soo Ifbaxay Karoono Feyros,  waxaana halis ku jiro gobolka bariga Afrika oo dhan kaasoo ay ku nool yihiin ku dhawaad 20 boqolkiiba dadka ay heysato cunna yarida caalamka.

In kasta oo ay jiraan dadaallada lagu kontaroolayo ayaxo, hadana haddii aan shaqadan la sii labalaabin, halista ku-dhafan ee Covid-19 iyo daadadka “ayaa keeni kara musiibo ba’an,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee FAO Qiu Dongyue.

Bangiga Adduunka ayaa qorsheeyey barnaamijk cusub oo uu $500 malyan ku siini doona waddamada ay dhibaatadu ay saameysey ee dhaca Afrika iyo Bariga Dhexe, Ugandha, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka heli doona lacaga bilow ah oo dhan $ 160 milyan, Qaar ka mid ah lacagahaasi ayaa si toos ah ugu tagi doona beeralayda.

Bangiga aduunka ayaa sidoo kale sheegay in qorshooyinka lagu caawinayey Somaliya iyo Yaman ay gaareen “marxalad horumarsan”.

Dowlada Somaliya ayaa ka heshay sadax diyaaradood oo ka howlgalo ladagaalanka Ayaxa hey’adad FAO iyo USAID, kuwaas oo ka howl gali doono Galmudug , Puntlan iyo diigaanada kale ee kasoo cusboonaadaan dhaqdhaqaaqa Ayaxa.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
info@stnsomali.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here