Sheekh Shariif “dowladda Farmaajo waa in ay caddeyso saddex qodob”

201

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda dalka, waxaana uu sheegay in dowladda Maanta jirtaa aysan Mas’uuliyad badan iska saarin Xaaladda dalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Shabaabkii aan shaley Muqdisho iyo gobolo badan oo dalka ah ka xureyney in nala yiraahdo maanta Dekeda Muqdisho ayey Canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, anagu Dowlada diyaarbaan ula nahay inaan ku garab istaagno” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa hordhigay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay Caddeyso Saddex qodob oo kala ah:

1. Qorshaheeda amniga dalka, oo meel fog laga keeney
2. Goorta ay soo dhameystirayso dastuurka kumeel gaarka ah
2. Inay xili hore caddeyso nooca Ddoorashada 2021

Sheekh Shariif ayaa Muqdisho kusoo laabtay jimcihii, wuxuuna daaha ka rogay xisbigiisa cusub ee Himilo Qaran, oo la filayo inuu ka mid noqdo xisbiyada ugu miisaanka culus ee doorashada dalka ka dhaceysa 2021.

STAR TELEVISION NETWORK (STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here