Ra’yi aruurin: Wadamadda qaabilo qaxootiga maxay ka aaminsanyihiin Muhaajiriinta?

134
Sahan ray’yi aruurineed oo la sameeyey ayaa waxaa la ogaaday in inta badan dadka ku nool waddamada Yurub ee qaabilo qaxootiga ay aaminsanyihiin dadka soo galootiga ah iney yihiin awood loo baahanyahay oo xojinayso dalkooda.

Sahmintaani ray’yi aruurineed ee Xarunta Pew ee Cilmi-baarista ku sameeyey18 dal oo ka mida wadamada marti galinayay bar ka mid ah mahaajiriinta caalamka ayaa waxaa la ogaaday in badankooda u arkaaan dadka soo galootiga ah iney yihiin awood loo baahanyahay.

10 ka mid dalalkii qeybta ka ahaa sahankani oo qaarkood yihiin kuwa ugu horeeyo ee qaato muhaajiriinta ugu badan caalamka sida Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Kanada iyo Australia ayaa dadka ku nool badidood waxay u arkaan muhaajiriinta ku nool wadankooda in ay yihiin kuwa aan culeys ku aheyn noloshooda.

Taas caksigeeda waxaa aaminsan shan wadan oo sahankani qeyb ka ahaa, kwaas oo kale ah Hungary, Giriiga, Koonfur Afrika, Ruushka iyo Israel, waxay rumeysan yihiin in muhaajiriinta ay ku yihiin culeys dalkooda.

Waa shax, tira ahaan u muujineyso wadamada sahanka lagu sameyey aragtida ay ka qabaan kuwa soo-galootiga ku ah dalkooda

Saameynta Muhaajiriint

Wadamada sahankaani lagu sameeyey aragti ahaan way ku kala qaybsanyihiin sida ay u arkaan saameynta ay ku leeyihiin mihaajiriinta wadankooda. Talyaaniga iyo Booland, waxaa ay u arkaan muhaajiriintu in ay ku yihiin kuwa dalkoda culays,

Dalka Maraykanka oo ah wadanka qaabilo tirada ugu badan ee muhaajiriinta adduunka, lix ka mid ah tobankii qof oo qaangaar ah (59 boqolkiiba) waxay aaminsanyihiin in muhaajiriinta yihiin kuwa ku soo biiriyey dalkooda aqoon ,caqali iyo xirfada badan, halka saddex meelood meelna ay u arkaan soo galootiga culays iyagoo cillada ka dhigaayo in ay la wareegeen xirfada iyo shaqooyin bada ay ka heli jireen faa’iidooyin bulshada.

Sida ku xusun sahankaani, wadamada Yurub qaar, ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac tirada dadka ku nool ee u arko soo-galootiga iney yihiin cudud loo bahnaa, waxaana ka mid ah Giriigga, Jarmalka iyo Talyaaniga.

Waxaa aragti ka soo horjeedda taas qaatay dadwaynaha ku noola Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Spain, iyagoo inta badani dadka ku nool wadamadaasi u arkeen muhaajiriinta in aysan culeys ku aheyn dalkooda.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here