QAABAB AANAD FILAYN OO AAD ISKAGA ILAALIN KARTO HARGABKA!

427

Waarbixin ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay shabakadda arrimaha caafiamadka ka faalloota ee ‘The Healthy’ ayaa qoraaga Tina Donvita ay ku soo bandhigtay qodobbo lagaga hortegi karo hargabka, oo xilliga qaboobaha bata.

GACAN-QAADKA SALAANTA:

Hargabka oo ka mid ah xanuunada sida fudud ee dhaqsaha badan u faafa ayaa ay khubaradu sheegeen in gacanqaadku uu ka mid yahay hababka ugu badan ee lagu kala qaado.
Haddii ay ka fursan weydo in qofka aad gacan qaaddo, ka dheeroow in aad wejigaaga ku taabato gacanta aad qofka kale ku gacan qaadday, ka hor int aanad si fiican u maydhin. Si aad uga hortagto in jeermiska gacmahaaga soo raacay uu u gudbo sanka iyo afka, sidaasna ku raaco marinnada hawada.

JIMICSIGA:

In qofku uu jimicsado maalin kasta 30 illaa 60 daqiiqo waxa ay xoojisaa awoodda uu jidhku ku soo saarayo unugyada cusub ee dhiigga cad, taas oo macnaheedu yahay in ay badanayso awoodda difaaca jidhku.

Ku dadaal in aad jimicsato si aad u xoojiso awoodda aad iskaga difaaci karto bakteeriyada hargabka keenta iyo xanuunno kale oo badan.

QALLAJI BURUSHKA WEELKA:

Burushka weelka lagu nadiifiyaa waxa uu ka mid yahay meelaha uu jeermiska ugu badani ku noolyahay kuna tarmi karo. Waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in burushka weelka aynu ka ilaalinno jeermiska, sida ugu fiican ee aynu uga dili karnaana waa in aynu moofada korontada ah (Microwave) gelinno laba daqiiqo maalin kasta, inta aynaan isticmaalin.
Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Florida ayaa ka marag kacday in moofada korontadu ‘Microwave” ay disho boqolkiiba 99 bakteeriyada iyo noolaha ili-ma-qabatayga ah.

NADIIFI OOGADA SARE EE MIISKA XAFIISKA

Xarumaha daryeelka caafiamadka iyo ka hortagga xanuunnada ee dalka Maraykanku waxa ay ku talinayaan in si joogto ah loo nadiifiyo qalabka iyo oogalada alaabooyinka aynu sida joogtada ah u taabanno, si aynu uga hortagno jeermiska hargabka keeni kara.

Waxaa muhiim ah in aynu ku nadiifinno dareeraha ama shaambooyada loogu talagalay dilista jeermiska. Meelaha sida gaarka ah ay xeeldheereyaashu ugu dardaarmeen in la nadiifiyo waxaa ka mid ah gacmaha (Halka la qabto) albaabada, qalabka lagu hago talefishannada iyo qaboojiyeyaasha (Remuutka), qasabadaha suuliyada iyo faraxalka, batamada laydhka laga shido ama laga dembiyo, iyo qalab kasta oo dad kala duwani wada isticmaalaan.

CUNTADA GANKA / GALKA LEH:

Erin Palinski-Wade oo ah khabiir ku xeeldheer nafaqada, ayaa sheegtay in habdhiska difaaca jidhku uu boqolkiiba 80 ka dhex shaqeeyo habdhiska dheefshiidka, sidaa awgeed bakteeriyada caafimaadka qabta waxa ay xoojisaa habdhiska difaaca, taas oo jidhka siisa awood uu iskaga fogeeyo xanuunnada hargabku ka mid yahay.

Cunista cuntooyinka ay ku badan yihiin barootiinnadu waxa ay nafaqaysaa bakteeriyada jidhku u baahan yahay, ee aynu xusnay in ay xoojiso habdhiska difaaca.

HURDO KUGU FILAN:

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in saacadaha hurdo ee ugu fiican in qofku helaa ay yihiin 7 illaa 9 saacadood maalin kasta. Haddii qofku uu hurdo ku filan helo waxaa xoogaysata awoodda difaaca jidhkiisa, taas oo ka hortag fiican u noqota xanuunnada uu hargabku ugu horreeyo.

Waxa ay aaminsan yihiin in hurdadu ay qayb muhiim ah ka tahay caafimaadka guud ee qofka, mar kasta oo ay qofka ku yaraatana, uu u nuglaanayo xanuunka.

KHUDRADAHA:

Khudradaha badankooda waxaa ku jira maaddooyinka liddiga ku ah sunta cuntada ka dhalata, oo khatar ku ah awoodda habdhiska difaaca.
Cilmibaadhiso hore loo sameeyey ayaa caddeeyey in maadadda Flavonoid oo khudradaha tufaaxu ka mid yahay laga helaa, in ay leedahay awood ay jidhka kaga saari karto sunta. Waxa kale oo ay jidhka ka ilaalisaa jeermiska. Tijaabooyinka caafimaad ee lagu sameeyey maadaddani waxa ay muujinayaan in ay boqolkiiba 33 yarayso u nuglaanshiyaha hargabka.

DHINACA FIICAN WAX KA EEG

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa iftiimiyey in isku buuqa ama sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah ee la midka ahi ay saamayn taban ku yeeshana habdhiska difaaca jidhka.
Deborah Sirani oo ah dhakhtar ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah ayaa sheegtay in culayska nafsiga ah iyo isku buuqu ay kordhiyaan hormoonka Cortisol ka ee uu jidhku soo saarayo. Waxaana la ogyahay in haddii hormoonkani uu jidhka ku bato in uu xaalad heegan sare ah geliyo jidhka oo dhan. Sidaa awgeed waxa uu qofku isku arkaa garaaca wadnaha oo kordha, dhiigga oo kaca, iyo hoos u dhac ku yimaadda shaqada difaaca jidhka.
Xaaladdani qofka waxa ay u nuglaysaa caabuqyada, bakteeriyada iyo fayraska, sidaa awgeed si fudud ayaa uu u qaadi karaa xanuunno uu hargabku ugu horreeyo.

BIYO CAB

Biyuhu muhiimad weyn ayaa ay u leeyihiin shaqada qaybaha kala duwan ee jidhka. Waxa aanay ka caawiyaan ingagga ama in uu qallalo. Taas oo keenaysa in uu jidhku awood u yeesho ka hortagga iyo iska difaaca caabuqa. Ku dadaal in aad maalin kasta cabto ugu yaraan siddeed koob oo biyo ah.

BANNAANKA GURIGA U BAX

Hawada qabowga ahi waxa ay ingajisaa sanka iyo dhuunta, taas oo u nuglaysa caabuqa. Waxa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in waqtigeenna ugu badan oo aynu meel cidhiidhiya dad badan la joognaa ay keeni karto in jeermisku isu gudbo, waana sababta keenta in hargabku uu dhaqso ugu dhici karo dadka guryaha gudahooda ka bixin.

SANKA MAYDH

Inkasta oo aanay dhakhaatiirtu cilmi ahaan aad uga hadal, haddana tijaabooyin kala duwan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in sanka oo biyo lagu shubaa ama sandaarsiga weysada oo kala la sameeyaa, ay tahay hab lagaga hortegi karo xanuunka.
Waxa aanay xeeldheereyaasha qaarkood aaminsan yihiin in ay tahay hab lagaga hortegi karo hargabka. Tijaabooyinka arrintan lagu sameeyey ayaa natiijo fiican ka muujiyey in sanka lagu maydho biyo milix yar leh. Taas oo ay khubaradu sheegeen in ay yarayso malaxda iyo duufka sanka gudihiisa ku ururaya, isla markaana ay jilciso timaha sanka gudihiisa ku beeran ee difaaca ka ah jeermiska.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here