Naas-nuujinta dhalaanka xiliga uu jiro Karoono

1409

Geneva (STN) – Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka qaaday in ay faa’iidooyinka uu dhalaanka ka helo naasnuujintu ka badan tahay halista kaga imaan karto cunuga inay hooyad u gudbiso Fayroskii Karoona.

Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa yiri “Hay’addu waxay si taxaddar leh u baartay suurtagalnimada in hawenka ay u gudbin karaan caabuqa ‘Covid-19’ dhalaanka xiliga uu ku jiro naasnuujinta.”

Waxuu sii raaciyey, waan ognahay in tira ahaan carruurta ay aad ugu yartahay qaadista cudurkaan, balse saas ay tahay waxay aad ugu nugul yihiin cudurada kale oo ka hor istaagi karo nuujinta naaska.

Agaasimaha ayaa Intii lagu gudajiray shir jaraa’id oo uu uga hadlaayey arimaha soo kordhay yiri ” iyada oo aan ku saleyneyno caddaymaha aan helnay, waxay hey’addu idiin sheegeysaa in faa’iidooyinka ay ka helaan ilmaha naasnuujintu ay ka badan yihiin halista kaga imaan karto qaadsiinta xanuunka,”

Agaasimaha Guud ee WHO Tedros
ayaa ka codsaday haweenka looga shakisan yahay ama la xaqiijiyey inay qabaan Covid-19 in ay ilmahooda ka goynin naaska, waxuuna ku dhiiri-galineynaa inay sii wadaan naasnuujinta, isla markaana aanu ka joojin dhallaankooda noojinta-naaska marba haday hooyadu tabar-darro aysan heynin.

Sidoo kale Ansho Banerjee, oo ah agaasimaha waaxda hooyada, dhalaanka, dhallinta iyo gabowga ee Heyada Caafimaadka Adduunka ayaa bulshada u sheegtay in fayraska karoono aan wali laga helin caanaha ka imaado naaska hooyada.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com