Maxaa bisha looga arki waayay Dalalka Carabta? Maxayse Soomaalida ka baran karaan Ciidda sanadkaan?

114

Inta aan arkay wararka ku saabsan Bilishada bisha Shawaal ama Soon-fur ee Geeska Afrika waxay ahaayeen kuwa si fiican loo xaqiijiyay ayna arkeen dad Soomaali ay ka mid yihiin.

Waxaan i soo gaaray fariimo badan oo dad Soomaaliyeed ay ila wadaageen oo bisha ka baadi goobayay in laga arkay dalalka Carabta iyo in kale taasoo muujinaysa in shaki ay galinayaan Bilishada bisha Shawaal ee Maanta kow u ah Geeska Afrika sida Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaan doonayaa in aan la wadaago Soomaalida ku xiraya Aragtida bisha dalalka Carabta sida Saudi Arabia iyo Masar in ay u baahan yihiin fahamka farqiga dhinaca soo bixidda Qoraxda iyo saacadaha maalintii, Tusaale ahaan #Masar waxaan Afka xiraa oo soonka uu noo bilowdaa saacadda markay tahay 3:15am, waxaana Afurnaa 6:47pm, taasoo ah ugu yaraan in aan Soomanahay in ku dhow 16 saacadood, balse Soomaaliya iyo guud ahaan Dalalka Geeska Afrika sidaas ma ahan, waxaa suuro gal ah in ay soomanaayeen kaliya 12 saacadood iyo xoogaa ama ka yar mararka qaar.

Sidaas darteed Culumada Cilmi Falaka (Cilmiga Xidigiska) ee dalalka Carabta ayaa isku raacay in ay adag tahay in Bilishada Bisha Shawaal in la arko maadaamaa Qoraxda ay daahayso, maalinta ay badantahay, halka habeenkii uu yahay Saacado yar, islamarkaana Qoraxda oo taagan in Bisha ay dhacayso oo muddo sii nagaan karin.

Sidaas ay tahay, dowlado badan oo Carab ah ama aan ahayn oo ku yaala Bariga dhexe ayaa isku taxluujiyay sidii ay u arki lahaayeen bilishada Bisha balse uma suuro galin. Sidoo kale, waxaa Culumada Xidigiska ay sheegeen in xitaa Caawa oo bisha si dirqi lagu arko doono maadaamaa Saacadaha maalintu ay badan tahay.

Hadaba, arintan ayaa kol hore, culumada Fiqiga ee Islaamka ay ka hadleen misana ay sheegeen in Kala duwanaanshaha soo bixidda qoraxda ay keenayso in dalalka Islaamka ay kala soomaan ama ay kala ciidaan dadka Muslimiinta ah, wax dhib ah kuma jiro. Arintaan waxaa aad u aaminsanaa oo in la fuliyo jeclaa Culumada Suufiyada ee Soomaaliyeed oo fiqiga aad u yaqaano.

Sida aan ku ogaa culumo Soomaalida ka mid ah iyo dad Soomaaliyeed baa diidanaa, in aan laga dib dhicin oo lala ciido ama lala soomo Dal Muslim ah sida Sacuudi Arabia, hada waxa fekerkaas iska bedelay ma aqaan.!!

Waxaan idin sheegayaa arin kale oo muhiim ah, in Soomaalida ay isku xireen dal kale oo Carab ah in bisha laga arkay iyo in kale waa arin aan sax ku ahayn Fiqiga Islaamka iyo waliba Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaan dhihi lahaa guud ahaan Soomaalida Geeska Afrika waa in ay cashar ka qaataan dhacdadani islamarkaasina ay ku kalsoonaadaan Culumadooda iyo maamulada ka jira deegaanadooda, islamarkaasina ay aqbalaan Go’aanada ku aadan maalinta ay tahay in la ciido ama la soomo. Sababtoo ah dal carbeed oo Tixgalin siiyay bisha laga arkay Soomaaliya ma jirto. !!

In dalka Soomaaliya mar kaliya laga ciido ama laga Soomo waa astaan caddeynaysa in Soomaalida mid yihiin ayna ka madax banaan yihiin dalal kale oo ayaga jaan-gooya arimahooda gaarka ah.

Hussein Sahnuni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here