Markii uu qofka yimaado wadamada Reer Galbeedkaadka sadax mid unbuu noqdaa

452

Qofka markuu yimaado wadamada reer galabeedka sadax mid unbuu noqonayaa:

1- qof xaqiiqda fahma iskuna daya siduu ku badbaadi lahaa asaga iyo ubadkiisa

2- qof ogaaday inuu dabin ku dhacay laakiin eey ka qarsoontahay qaabkuu ooga bixi lahaa sidaasna ku go’aansaday inta uu ilaahay faraj ooga furayoinuu danbinkaa kusii jiro

3- qof dhalanteedka yaala ku kadsoomy , mudo dheer markuu ku jirana soo indha kala qaada asagoo meel cidla ah fadhiya , waa mareey xeero iyo findhaal kala dhaceen

Hal qodob ayaan soo qaadaneeynaa oo ku saabsan Qoyska

Wax walba asaas ayuu leeyahay uu ku taaganyahay hadii la waayana uu burburayo .

Tusaale guriga marka la dhisayo wa in loo diyaariyaa asaas adag si uusan u dumin dabeyluhuna eeysan si sahlan u qaadin , sidaas oo kale banii aadamku si uu u sii jiro waxaa asaas looga dhigay wax la yiraahdo qoys oo ka kooban nin iyo naag iyo wixii eey dhalaan oo ilma ah

Marka aad fiiriso nolosha reer galbeedka waxaad arkeeysaa ineey burburiyeen aasaaskii uu ku taagnaa jiritaanka Banuu-aadamka oo ah qoyska , waliba eey doonayaan ineey dunida inteeda kalana ku faafiyaan

Arintaas sida muuqata maraaxil iyo heerar kala duwan ayeey soo martay ilaa eey soo gaartay heer laga sii fogaanayo wixii dhidibada u ahaa qoyska oo ahaa ineey is guursadaan Nin iyo Naag sidaasna ubad ku kala helaan .

Waxeey badalkeedii noqotay inuu qofka xor u yahay cida uu la wadaagayo xiriirka ku saabsan qoysnimo ama (xariirka galmo) tusaale ninku wuxuu xariir galmo la wadaagi karaa nin kale gabadhuna waxeey la wadaagi kartaa gabadh kale

Taas oo waliba noqotay tiir ka mid ah tiirasha noloshooda meelaha qaarna lagu daray manhajka wax barashada dugsiyada hoose , si ilmaha loogu tarbiyeeyo inta uu yaryahay

Waxeey u sameeyaan dabaal dagyo iyo maalmo lagu weeyneeyno arintaa iyo calaamada lagu garto

Sidoo kale waxaa lagu daray qaanuunka iyo sharciyada wadana uu leeyahay

Waxeey tagayaan kaniisada marka uu meherkoodu dhacayo sida eey u tagaan dadka guurkoodu uu ku dhisanyahay Lab iyo dhadig

Ma kula tahay dadkii usoo hayaamay galbeedka ineey ka wada badbaadayaan noloshaa aan kor ku soo sheegnay ?jawaabtu waa maya

Maalmahaan danbe waxaan baraha bulshada ku aragnaa kuna soo badanaya dad soomaali ah oo ku faanaya xariirka ku dhisan xoriyada ee baal marsan qaab nololeedkii insaanka ee uu ilaahay noo jideeyay si aanan u dabar gu’in

Qofku markuu ilaahay abuuray wuxuu siiyay caqli uu kaga duwanaado noolaha intiisa kale , intaas loogama harine waxaa loo soo diray Rasuul waxaa loo soo dajiyay sharci loogu qeexayo qaabka eey noqoneeyso ama oogu haboon ee ah inuu ku noolaado sidoo kale waxaa noloo sheegay ineey jirto nolol kale oo ciqaab iyo abaal marin leh hadba qofku siduu oogu soo dhaqmay sharcigii loo soo dajiyay

Si aad u badbaadiso jiilasha kaa danbeeya haku kadsoomin dhaan-dabagaalaha hortaada ka muuqda

Haraad iyo oon kastoo ku haya waxaad ooga bixi kartaa adoo si run ah biyo u caba dhaan-dbagaalahana aan run moodin.

W/Q Amxed Xaji Maxamuud

Afeef: Maqaalka kama turjumayo aragtida STN, waxaa uu u  gaar u yahay Qoraaga qoray.