James Swan oo kulan gaar ah la qaatay Fahad Yaasiin

2661

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir.

Ilo wareedyo muhiim ayaa xaqiijiyay in kulankan looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimo la xiriira Amniga.

Sidoo kale waxay ilo wareedyadu sheegayaan in James Swan uu farriin u soo dhex marsiiyay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Madaxweyne Farmaajo, oo uu arkay inuu yahay shaqsiga go’aanka siyaasadeed la gaari karo Madaxweynaha.

Arrinta aadka loo hadal haayo ayaa ah in Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya uu kulan qarsoodi ah la yeesho Taliyaha Sirdoonka, kalana hadlo arrimo siyaasadeed iyo doorashooyinka, iyadoo Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dalka joogaan.

Xaalada kala guurka siyaasadeed ee dalka ayaa maraya meel xasaasi ah, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ay soo wajaheen cadaadisyo siyaasadeed uga imaanaya Beesha Caalamka oo ku aadan inuu qaato door hoggaamineed oo uu isugu keeno dowlad goboleedyada iyo daneeyaasha siyaasadda, si looga hadlo doorasho heshiis lagu yahay.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com