ISKA JIR: Gabar isu daldashay arrin la yaab leh

204

Waxa ay dhibaato ku qabtay wareerka dunida, waxa ay go’aansatay inay cod u qaaddo haddii ay sii joogeyso ama ka tageyso Adduunka.

Codka waxa ay ku qaadday tirsigeeda Instagram si ay u raacdo aqlabiyadda asxaabteeda bartaasi.

Gabadhan oo u dhalatay wadanka koonfur-bari ASIA ku yaalla ee Malaysia ayey warbaahinta sheekadeeda bogga hore geliyeen.

“Dhabtii waa muhiim, igu caawiya in aan doorto nolol ama geeri” ayuu ahaa qoraalkeeda.

Kadib markii kuwa ka faallooday ay 69% ku dhiirrigeliyeen dhimashada ayey go’aankaasi qallafsan qaadatay, sida laga soo xigtay booliiska gobolka Sarawak.

Booliiska oo da’da gabadha ku sheegay 16 ayaan xusin magaca.

Hadda waxa ay garyaqaannada ku doodayaan inay tahay in dacwad lagu soo oogo kuwa u codeeyay inay dhimato, sababtoo ah bey leeyihiin waxa ay ku kaceen ‘DHIIRRIGELIN DHIMASHO’ taasoo ay ciqaav adag ku mudan karaan.

NAFTU WAA AMAANO AMIN AYEYNA LEEDAHAY LAAKIN ISKA JIR IN AAD ISKA QAADDO!

XIGASHO: The guardian

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here