Indonesia oo joojisay Xajka sanadkan

146

Dowlada ugu weyn caalamka islaamka ee indonesia ayaa joojisay acmaasha xajka ee sanadkan.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dalka Indonesia ayaa sheegtay in wadankeedu  uu baajiyay xujkii sanadkaan  sababo la xiriira cudurka dilaaga ah ee cusub ee loo yaqaan ‘Corona virus’.

Boqolaal kun oo Indonesiyaan  ah ayaa xajka aad sanadkii iyagoo booqanaayo labada Masaajid ee Barakeysan Makka iyo Madiina ee dalka Sacuudi Carabiya ku yaalo.

Fakhr al-Razi, wasiirka arrimaha diinta ee Indonesia ayaa  sheegay in go’aanka lagu baajinayo safarada Xajka ee sanadkan la qaaday sababo la xiriira faafitaanka viruska Coruna iyo xayiraadaha Isu socdka caalamka.

Indonesiya ayaa  waxay leedahay nidaam qoonda ah oo u oggolaanaya qofka inuu xajiyo 20-kii sano hal mar.

Mas’uuliyiinta Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey u sheegay in Xajka iyo Cumrada la hakiyey illaa amar dambe.

Xigasho Reuters.