Guurso  ama khasab ku bixi ganaax canshuur ah

1679

Waxay noqotay soojeedintii wadaadka  Iiraaniyaan-ka  ah ee ku aadaneyd in guurka laga dhigo mid khasab ah isla markaana canshuur lagu soo roga kuwa aan dooneynin in qoys unkaan, mowduuc dood ballaaran ee ka dhex dhaliyey dadka isticmaalwarbaahinta bulshada, waxayna sidoo kale dhalisay maad iyo kaftan.

“Waxaa usoo bandhigi  barlamaanka iyo maamulada dalka oo dhan  sharci cusub oo dhiiri-galiyo guurka” ayuu uyiri Sheekha oo lagu magacaaba Maxamed Idriis.

 Wuxuu leeyahay guurku waa inuu noqdaa mid khasab ah, isagoo ku baaqaya in khasab looga dhigo kuwa gaaray da’da 28 sano  ee aan weli guursan.

Mid kamid Iiraaniyiinta ayaa  bartiisa Twitterka waxuu ku soo qoray : ” waxaan gudbay xiligii aan guursan lahaa  hal sano, hal bil iyo 12 maalmood,”  isagoo  tixraacaya da’dii 28-da ee uu ku  baaqay sheekh  in looga dhigo khasab kuwa dib u dhiga guurka.

Mid kale ayaa tiri, waxaa u qalmaa abaalmarin wayn, sida in baabuur ama guri la I siiyo, maxaa yeelay waxay guursaday markii aan jiray 18 sano,  taas oo ka dhigan inaan guursaday 10 sano ka hor inta aan gaarin da’dii uu soo jeediyey sheekha in aan laga dib marin.

“Waxaan ka baqaa in gabdhaha  lagu khasbo inay dhalaan carruur ka hor inta aysan gaarin da’da 30-sano,” mid  kale oo walaac ka muujineyso soo-jeedinta uu sheekha Idriis u gudbin doono baarlamaanka ayaa sidaas tiri.

Mas’uuliyiinta  ugu sareyso wadanka Iiraan ee uu ugu horeeyo Cali Khameyne  ayaa sidoo kale qabo in ay lagama-maarmaan ay u tahay muwaaddiniinta inay guursadaan oo carruur yeeshaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha  Iiraan Cabdil Rida Rahmani Fadli ayaa Axadii sheegay in baaritaanada la sameeyay ay muujinayaan in tillaabooyinka la qaaday si kor loogu qaado heerka dhalmada ee dalka aysan aheyn mid kaafi ah.

Dhalinyarada Iiraaniyiinta ah  ayaa  ka caga jiidaya inay guursadaan iyadoo ay ku kalifeyso taas caqabada dhaqaale ee dalka ka jiro, taasoo  ka dhigtay sameynta qoys riyo aysan dad badani gaari karin.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira muwaadiniin  doorbida is-kaaabulanimada, halka kuwo kalena ay doortaan inay la noolaadaan lammaanahooda iyaga oo aan si rasmi ah u guursan.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha  ganaaxa ah ee uu wadaadku soo jeediyey in lagu qaado kuwa aan guursan kadib markay gaaraan da’da 28 sano, in lagu qasbo inay bixiyaan canshuur u dhiganta rubuc ka mid ah dakhliga soo gala, iyadoo  la siinaayo  lacagahaas kuwa doonaya inay guursadaan laakiin saboolnimada ay ka hortagan tahay  taas.

Waxuu  sidoo kale soo jeediyay in dadka aan guursan loo diido jagooyinka maamuleed ee sare, macalinimada  iyo xilalka kale ee muhiimka ah.

Dhanka kale, waxuu soo jeediyey in la siiyo dhiirrigelinno badan oo taxane kuwa doorta inay guursadaan, oo ay ka mid tahay in mudnaanta manfacyada shaqaaleysiin la siiyo iyaga.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com