Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa balan-qaaday in la sii deyn doono Mukhtaar Roobow

252

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa balan-qaaday in la sii deyn doono Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo bishii la soo dhaafay ee December ay dowladda Federaalka ka soo xirtay magaalada Baydhabo.

Maxamed Mursal oo kula kulmay Baydhabo Odayaasha dhaqanka ee ku heybta ah Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ay dadaal badan ku bixiyeen sii deynta Mukhtaar Roobow, isla markaana ka hor inta uusan ka soo bixin Muqdisho uu kala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa uu sheegay in horay mowqifkiisa u caddaa oo uu ka soo horjeeday xariggiisa, una dalbaday xataa in doorashada dib loo dhigo, isla markaana xaalad walba oo lagula dhaqmay Mukhtaar Roobow uusan raalli ka aheyn.

“Aniga iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis waxaa balan-qaadeynaa inaan dadaal ku bixin doono sii deynta Mukhtaar Roobow, haddii aan soo deyn weyno kuraasto aan ku fadhino, kuma sii fadhineyno”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Baydhabo ku sugnaa maalmihii u dambeeyay, isagoo ka qeyb qaadanaya dib u heshiisiinta beelaha iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee reer Koofur Galbeed ee ku aadan xaaladihii ka dhashay doorashada.

Xariggii Mukhtaar Roobow ayaa ka dhashay banaan baxyo rabshado watay, taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada ammaanka ay xoog u adeegsadeen banaan baxayaasha.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here