George Floyd: maxuu instagram-ka kusoo qoray ka hor geeridisii

1234

Mareykanka (STN) – Wuxuu noqday xidig astaan u ah xarakooyinka u olololeeyo sinaanta ee ka soo hojeedo cunsuriyadda iyo rabshadaha booliiska ee ka dhanka ah dadka madow.

Xilli ay taagan tahay xiisad cunsurino oo kacsan ayuu George Floyd, sanadkii 2017 barta Instagram ku soo qortay “Waxaan leeyahay cilado iyo ceebo, mana ahi mid ka fiican cidkasta ee kale.

Floyd oo hadalkiisa sii wata ayaa yir: Laakiin toogashadu way socotaa … dan kama lihi diintaada ama meeshaad ka timid. Aniga Waan ku jeclahay, wallaahi wuu ku jecelahay. Hubka meel iska dhiga.

Velones oo ay waala ahayeen George Floyda yaa yiri “Wuxuu ahaa nin xoog badan, wuxuu ku fiicnaa adeegsiga ereyada”

Bishii Mey 25-teedi ayuu dhintay, Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay Floyd oo uu nin askari cadaan ah xabadka dhulka u dhigay kaddibna uu luqun lowga kaga cadaadinayo isaga oo ku cataabayay “Waan neefsan kari la’ahay, fadlan ha I dilin”.

Waxuu ku faafay muuqaalkii adduunka oo dhan, dhimashadiisana waxay dhalisay kacdoona lagu dalbanaayo in joojiyo midab-takoorka iyo rabshadaha booliiska ee ka dhanka ah dadka madow.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com