FAALO: Wadahadalada Somaliya Iyo Somaliland

1374

Bismilah,Waxaa la filayaa in manta uu ka furmo shir u dhaxeeya SomaliYa iyo Somaliland dalka jabuuti,shirkan oo ah mid maqaamkiisa sareeyo marka la eego wafuuda labada dhinac ka imaanayso oo dhinac walbo uu hogaaminayo madaxwayne,kana mid yihiin xubnaha ugu sar sareeyo labada dhinac.

Shirkan waxaa inta la ogyahay ka qaybgalayo ra’Iisul wasaaraha itoobiya iyo madaxwaynaha martida loo yahay ee ismaaciil cumar geele,iyadoo ay jiri karaan goobjoogayaal wakiilo wadamo badan oo daaha gadaashiisa ka maamulayo howshan wada hadalada labada dhinac inay jabuuti dhinac ka joogaan.

Ma aha markii ugu horeeysay ee wadahadalo dhax maraan labada dhinac,waxayse tani uga duwantahay sida falanqeeyayaasha siyaasada somaliya sheegayaan inay jireen wadahadalo hoose oo si xowli ah ku socday in mudo ahba,sidoo kale waxaa iyadana xiiso gaar ah yeelan karta miisaanka culus ee uu xanbaarsanyahay heerka ka qaybgalayaasha oo markii ugu horaysay madaxwayne,ra’iisul wasaare iyo gudoomiye baarlamaan ay halmar ka wada qaybgalayaan.

Inkastoo la filanayo saadaal guul,hadana ma fududa geediga wada xaajood ee labada dhinac oo mid walbaa uu gogosha la tagayo wax aan u cuntamaynin dhinaca kale,madaxwyne farmaajo oo galay marxaladii kala guurka ee mudo xileedkiisa, waxuu la shirtagi inuu la xaajoonayo qayb kamid ah dalka uu majaraha u hayo,halka dhigiisa madaxwayne biixi oo qabo taas mid ka fog oo ah dal madax banaan oo shacabkiisu xili hore go’aansadeen gooni isutaag iskood ugu dhawaaqeen, wallow aysan helin ictiraaf.

Waxaa kaloo xusid mudan,taladana ku darsanaynaa inuu jiro wada hadal walba qodobo qarsoon iyo kuwa shacabka lala wadaago,sidaas daraadeed waxaa si hordhac ah loo saadaalinayaa inaysan fududeen heshiis dhawaan dhaca,taas badalkeedna waxay labada dhinac si wadajir ah u muujin doonaan sawiro muuqaal quruxsan iyo qodobo la wada saxiixo oo ay kamid noqon karaan:

1. In laga fogaado hadalo xajiin leh in hawada la isku mariyo.
2. In deeqaha laga helo caalamka si kumeel gaar ah toos loo siiyo maamulka hargaysa.
3. In isku socodka shacabka labada dhinac aan la siyaasadayn oo si xor ah isku dhax maraan shuruud la’aan iyo
4. In wada hadalada labada dhinac sii socdaan oo la mudeeyo midka xiga.

Gabagabadii shirkan waxuu soo idlaan doonaa bari subax iyadoo wafuuda labada dhinac ay u guryo noqon doonaan shacabkooda iyagoo mid walbo sheegan doono inuusan ka gor gortamaynin himilooyinkiisa,si shacabka loo dajiyo.

W/Q: Ibnu Shekh Yusuf Dhagaxjabiye

Afeef: Maqaalka kama turjumayo aragtida STN, waxaa uu u  gaar u yahay Qoraaga qoray.