FAALO: DAMACA ITOOBIYA EE DAKADAHA SOOMAALIYA.

246

Sanadkii Hore 2018 bishii Maarso Maqaal Lagu Qoray Mid Ka Mid ah Wargeysyada Ka Soo Baxo Adisababa Ayaa Lagu Yiri: Itoobiya Waxey Dakad Ka Heli Kartaa Sedex Meelood oo ka tirsan Dhulalka Soomaalida hadii aan xooga Saarno, sadaxdaas oo kala ah:

1. Soomaaliland.
2. Puntland.
3. Jabuuti.

Qoraaga Wargeyska oo warkiisa sii faafaahinayo ayaa yiri Soomaaliland Ictiraaf/aqoonsi hadey Weyso waxaan fursad u siin Karnaa in ay ku soo biirto dal weynaha Itoobiya, Anagoo u balan Qaadeyno in aan Dhulkaani Difaaci Doono, Dekada Barbarana Noqon Doonto Deked Itoobiyaan ah sidoo kalana Shacabka Soomaaliland Horumar ayaan Gaarsiin Doono ilaa Aan u Ogolaano in ay Madax Ka Noqdaan Dalweynaha itoobiya.

Qoraaga Ayaa Sheegay in Puntland Ka Dhawdahay Soomaaliland Markii La isku Eego Labadooda, Reer Puntland Waxey Aaminsanyihiin Daaroodiisom, Sidaas Daraadeed Waxaan Sooraacin Karnaa Walaalahooda Daaroodka ah ee Itoobiya Ku Nool, Ayagana Wey Aqbalayaan, markaana dhulkii Daaroodka Ayaan isku Darnay Mideynay, Sidaas Ayeeyna Itoobiyaan Ku Noqonayaan, Itoobiyana ku heleysaa Bad ay ka dhoofiso Shidaalka laga soosaarayo dhulka Ogaadeeniya, iyo Saldhig Ciidamadeeda Badda.

Qoraaga Ayaa Ku Sheegay Fursada ugu Wayn Uguna Dhaw Maanta in itoobiya Dhul Bad Leh Hesho Tahay Dalka Jabuuti, Asagoo Sii Raaciyay Jabuuti Waxaa Ku Nool Qoomiyad Itoobiyaan Aaminsan, Soomaalidana ka dhaw, Asagoo Ula Jeedo Qoomiyada Canfarta, Waxuu Sheegay Qoraagu in Qoomiyada Canfarta Dalkas Ku Dulmantahay, La Kiciyo si weyna Loo Taageero in ay Itoobiyan Yihiin, loo sheego, Ayagoo La kaashanayo walaalahood Canfarta itoobiya, Waa in aan Siinnaa Canfarta itoobiya Jagooyin Waaweyn, Si Weyna Uga Muuqdaan Xukuumada itoobiya, Ka Dibna aan Kicinaa Canfarta Jabuuti, Ayagoo Dalbanayo Xuquuqdooda Oo ah in ay soo raacaan walaalahood Itoobiya, Halkaas Waxaan Ka Heleynaa Dhul Badda Cas Saaran Anagaaana Xukumi Doono Marin Biloodka BAABA-MANDAB.

Hadaba Ku Dhawaad Sanad Ka Dib Qoraaga Warkiisa Maxaa Ka Hir Galay..?!

Jabuuti .. Waxaa Ka Socdo Qorshe Lagu Go’doominayo, Waxaana Hormuud Ka ah Imaaraadka, Waxaa u sii dheer Qorshaha Qarsoon ay wataan Abii Axmed iyo Asayaas Afawarqi, Ee Mareykanka Gadaal Ka Riixayo, Gobolka Geeska Afrika isbadalka Laga Sameynayo, Jabuutina Laga Reebay.

Raisulwasaaraha itoobiya Abii Axmed Waxuu Bilaabay in Uu Soo Kiciyo Qoomiyada Canfarta, Asagoo u Magacabay Jagooyin Waaweyn oo Waligoodna ay Ku riyoonin , Sida Wasiirka Difaaca iyo Safiiro Mug Leh.
Intaas Kuma eka Shekadu Ee Waxaa Socdo Qorshe Qoorta La iskugu Galinayo Canfarta iyo Ciisaha, Hada Waxuu Ka Bilaawday Itoobiya Gudaheeda Laakiin Qorshaha Waxuu Yahay in uu Ka Dhex Qarxo Jabuuti Gudaheeda, Markaas Taageero Buuxdo Oo Hub iyo Maalba La Siiyo Si Canfarta U Xoogeysato Ugu Danbeyna Xuquuqdooda u Dalbato oo ah Ku Biirida Walaalahood Canfarta itoobiya.

Rw Abii Axmed Waxuu Rabaa oo Qorsheynayaa in uu Ka soo Wareego Isticmaalka Degeda Jabuuti Asagoo U Soo Wareegayo Dekedaha Eratariya, Arintaas Waxaa Gadaal Ka Riixayo Imaaraadka iyo Mareykanka.

Dowlada Jabuuti Waxey Gashay Khaladkii Cimrigeeda ugu weynaa, Ka dib markey Saldhig Ciidan Siisay Shiinaha, Taasi Waxey aad uga Careysiisay Mareekanka oo Shiinaha Ka Ilaalin Jiray inay soo caga dhigtaan Geeska Afrika.

Mareekanka Waxaa La Saadaalinayaa in uu Wareejiyo Saldhigiisa Ciidamadka Ee Jabuuti Dhankaas iyo Eratariya, Ka Dib Markuu Soo Hagaagay Xiriirkii Ka Dhaxeeyay Labadaasi Dal.

Mareekanka Waxuu La Saftay Hada Imaaraadka iyo Shirkadeeda Dp World ee Laga Raacdeeyay Jabuuti, Asagoo Ku Ciqaabayo JABUUTI, Waxuuna Ku Tala Jiraa in uu Go’doomiyo Kana Reebo isbadalka Ka Socdo Geeska Afrika.

Asayaas Afawarqi Iyo Abii Axmed Waxey Hishiis Ku Yihiin Maanta in La Burburiyo Jabuuti, Canfartana La Soo Raaciyo itoobiya, Tigreeyna Haduu is Waalo Loo Daayo Eratariya, Soomaaliyana Lagu Haayo Sidey Hada Tahay, Loona Ogolaanin in ay Awoodeysato.

Itoobiya Ciidamadeeda Bada wey wadaa Dhisidiisa, Ciidamada Cirkana ma deeyn doonto dhisidooda, Qorshaheedana Waa Socdaa.

W/Q: Axmed Bukhaari

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan STN TV, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Email: info@stnsomali.com
                                                     Mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here