Faahfaahino kasoo baxaya qaraxii xoogaana e ka dhacay ex-control afgooye

493

Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay tiro aad ubadan,inkastoo wali aan la shaacinin tirada rasmiga ah.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid arday iyo dad shacab ah. Dhinaca kaleĀ  labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay.

Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaasi.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here