Faah faahin qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Koontaroolka Ciidanka ee ku dhaw Daljirka Daahsoon

142

Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo maanta barqadii lagu dhuftay Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay arkeen dhimashada illaa Shan ruux oo askar u badan, kuwaasi oo yaalay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray Sarkaalad lagu magacabo Faay Cali Raagge & Saygeeda oo wada socday, islamarkaana gaari ay saarnaayeen goobtaasi maraayay.

Sidoo kale askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaasi oo qaarkood la socday ama ilaalo u ahaay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo gaadiidkii ay la socdeen meesha uu taagnaa xilliga qaraxa uu dhacaayay.

Qaraxan gaariga loo adeegsaday ee maanta barqadii ka dhacay Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo ammaanka Magaalada si wayn loo adkeeyay, islamarkaana Ciidamada amniga ay ku jireen xaalad feejignaan Sare ah.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here