Faah Faahin Kasoo baxaysa Qaraxii ismiidaaminta ee lagu weeraray Xarunta degmada Wardhiigley

117

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley, iyadoo qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan laga maqlay magaalada Muqdisho oo dhan.

Qaraxa ayaa ahaa gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaano Noha, kaasoo lagu dhiftay afaafka hore ee xarunta degmada, waxaana ka dhashay burbur aad u xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan labo ruux iyo dhaawac kale, inkastoo aan la heyn faah faahin rasmi ah.

Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah.

Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here