Dowladda Federalka Soomaaliya oo jawaab kulul kasoo saartay dadkii Gaalkacyo lagu laayay

62

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ka hadashay dadkii xalay lagu xasuuqay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee dadka lagu laayay.

Wuxuu sheegay in ay ka Dowlad ahaan aad iyo u dhaleeceynayaan ciddii ka dambeysay ficilladaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay kuwa kala geynaya Shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan dhibaataysnaa.

“Waa ficillo aan sharci Islaam ku bannaaneyn iyo sharciga Bini’aaddanka wada nool uu ku dhaqmo toona, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa balan qaaday dowladda Federalka Somaliya oo kaashaneysa Maamulka Galmudug, Odayaasha & Waxgaradka in baaris dhab ah lagu sameyn doono dhacdadaasi.

Shacabka Somaliyed ayaa si wayn uga argagaxa falka lagu laayay dadkaasi shacabka ah Magaalada Gaalkacyo.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here