Dalkan Itoobiya Oo Diiwaangeliyay 170 Kiis Oo Cusub 24 Kii Saac Ee Lasoo Dhaafay.

2247

Addis Ababa (STN) – Wasiirka wasaarada cafimadka ethiopia Mudane Liya Tadese ayaa sheegtay in 24kii saac ee lasoo dhaafay baaritaano lagu sameeyay 6187 qof 170 ka mid ah laga helay xanuunka.

Waxaa koloy sheegtay in dadka oo da’doodu udhaxayso 2 jir ilaa 115 jir ay kala yihiin 93 rag ah iyo 77 haween ah, Waxayna kala joogaan:

  1. Addis ababa —————- 81 qof

2. Deegaanka soomaalida —-57 qof

3. Deegaanka axmaarada —-13 qof

4. Deegaanka tigray ——— 7 qof

5. Deegaanka oromiya——–7 qof

6. Deegaanka hararida —– 3 qof

7. Deegaanka shucuubta—-2 qof

Wasiirada ayaa intaas ku dartay in sidoo kale saacadihii la soo dhaafat ay 3 qof u dhimatay caabuqa Karoona.

waxaa  la rumeysan yahay inay guud ahaan dalka Itoobiya u geeriyoodeen caabuqa koranaha35 qof  tan iyo badhtamihii march 2020  xilligaas oo ahayd markii kiisaskii ugu horreeyay laga diwaan geliyay dalka.

Wadanak Itoobiya, ayaa Ilaa iyo hada waxaa fayraska laga baadhay 158,521 qof,kuwaasoo laga helay 2506 qof,waxaase hada ujiifa 2068 qof, Waxaana ka bogsaday 22 qof taasoo wadarta bogsashada ka dhigaysa 401 qof.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com