Awaamiir la Xiriirta Nabadgelyada Magaalada Kismaayo oo ay soo saareen Guddiga amniga Jubbaland

166

Guddiga amniga Jubbaland ayaa waxa ay soo saareen awaamiir kala duwan oo dhanka ammaanka la xiriirta, kadib markii Shir ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa si wayn u lafa guray xaaladda amniga Magaalada Kismaayo iyo in Ciidamada si wayn ugu diyaargaroobaan Bisha Soon xaqiijinta ammaanka Magaalada Kismaayo.

Awaamiirta Guddiga ay soo saaren, ayaa waxa ay tahay in gaadiidka aanan aqoonsi laheyn aanan lagu dhex wadi karin Magaalada Kismaayo, gaari kastana la xaqiijiyo sharciyadiisa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa Warbaahinta u sharaxay amarada kasoo baxay guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland, isaga oo digniin u diray darawalada Gaadiidleyda ka howlgalla Magalada Kismaaayo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shegay masuuliyiinta Jubbaland qudhooda in laga doonaayo u hogaansanaanta awaamiirta Guddiga ay soo saareen.

Waxa uu sheegay Ciidamada amniga Jubbaland inay isku diyaariyeen xaqiijinta ammaanka Magaalada Kismaayo & deeganada kale ee Maamulka Gacanta ku haayo Bisha Ramadaan awgeed.

STAR TELEVISION NETWORK (STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here