Kumuu ahaa Ninkii Soo Muuqday Isagoo Ashahaadanayo kadib Weerarkii New Zealand?

72

Waxaa ku faafay baraha bulshada sawiro badan kadib dhacdadii dhiiga badan uu ku daatay ee uu u geystay nin cadaan ah oo u dhashay wadanka  Usturaaliya dad muslimiin ah oo ku tukanaayay Salaadii jimcaha laba misaajid oo ku yaalo dalka New Zealand.

Mid ka mid ah Sawiradii laga qaaday dhacdadaasi ee aadka ugu faafay baraha bulshada ayaa  ahaa qof ka mid ahaa dadkii dhaawacmay oo  Ambalaas asoo saaran soo muuqday isagoo waliba  hal-far kor u taagayo, una  muuqday inuu ahaa qof  Ashahaadanayo.

Mid kamid ah wargeysyada ayaa sheegay in qofkaasi u ahaa Muwaadin Sacuudi ah, oo da’diisu tahay 61 Sano jir, wuxuu ku noolaa New Zealand  ku dhawaad 25 sano, halkaas oo uu ganacsi ku lahaa.

Ninkaani oo magaciisa lagu sheegay  Muxsin al-Zayni ayaa wiilkiisua warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan boqortooyada Sacuudiga, waxuuna yiri aabahey waxuu  ku dhex jiray masaajidka xiligii la soo weereray, waxaana soo gaaray dhaawac culus, hadana waxaa lagula tacaalayaa xaaladdiisu mid ka mid ah isbitaalada  New zealand.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here