Dadka aan Soo Toosin Subaxii Xili hore oo u Nugul Geeri Deg Deg ah.

126

Xiriirka ka dhaxeeyo dhafarka iyo xanuunada ay kamid yihiin daalka, walaaca, carada badan, maah-sanaanta, iyo isu dheellitir la’aanta hab-dhiska difaaca jirka iyo wareega dhiigaba ayaa ahaa arin hore loo ogaa.

Cilmi-baaris dhowaan soo baxday ayaa daboolka ka qaaday in dadka jecel dhafarka amaba jecel iney ku gaaraaan soojeed habeenkii waqti danbe, isla markaana ay ku adagtahay in ay toosaan subaxii xili hore ay yihiin kuwa u nugul dhimasho soo deg degto markii loo eego kuwa xili hore soo kaco subaxii.

Daraasadan oo ay culumadaani ku sameysay 433,000 qof, waxa lagu ogaaday inuu jiro xiriirka ka dhaxeeyo tirada guud ee unugyada jirka qofka dhafro iyo xanuunka keeno geerida soo deg degto.

Natiijooyinkaan ay soo bandhigtay daraasadaani ayaa waxay waafaqsanyihiin daraasad hore oo tilmaameysay in qofka dhafraa uu u nugul yahay xaalada badan oo caafimaad darro ah, sida inuu ku dhaco xanuunka wadnaha,sokorowga iyo maskax dhiig furanka oo loo yaqaano afka qalaad Stroke.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here