Sawir-ka Selfie oo noloshii dhaafsiin gaaray haweeney iska qaadeysay maruu soo weerarey Shabeel madow

49

Shabeel madow ayaa soo weeraray haweeney iyadoo ku dhax jirta beerta Arizona

Haweeney ayaa waxaa soo weeraray shabeel madow iyada oo sawir Selfie ka qaadayso xayawwaano ku jiray beerta xayawaanada ee Arizon Sabtidii.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa Axaddii sheegtay in haweeneydaan oo isku dayayso in ay sawir ka qaadato xayawaano kala duwan in uu shabeel modow meel gaaban uga soo baxay iyadoo aan waxba ka war heynin.

Nasiib wanaag, waxaa kaga gudboonaaday silig, balse haweeneydii waxaa ka soo gaaray gacanta dhaawacyo fudud, maamulka beertana waxay sheegeen in ay wadaan baaritaanka la xariiro dhacdadaani.

Shabeel-ka madow ayaa ah nooc ka mid bisadaha waa weyn ee duurjoogta ah, miisaankiisuna waxuu garaa ilaa iyo xadka 90 kg.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here