Kaligood ayay ku noolaayeen Jasiirad cidla ah 15-sano.

47

Ka dib markii ay ku noolaayeen Jarmalka muddo 25 sano ah, waxay ku soo noqdeen jasiiraddii ay ku dhasheen, kuna koreen oo aan cidna daganeyn.

Xuseen Afkan iyo xaaskiisa Caisha oo 70 jir ah, waxay doorteen “nolol aad u adag ” waxay ku nool yihiin jasiiradda fog oo Turkiya ku taal muddo 15 sano ah, sida ay warisay saxaafada maxaliga ah ee Turkiya.

Jasiiradda oo ku taal Galbeedka Turkiya ayaa ah howd, waxaa ka baxo geeda badan oo ay ka mid yohiin Saytuun , geedka caanka ah ee loo yaqaan Pine iyo ubaxyo aad u qurxoon. Balse iyaga waxay ku nolol yihiin nolol qadiim ah oo ku tiirsan dhaqashada xoolaha, digaagga iyo waxyaalaha kale ka baxo Jaziirada.

Waxay dareemayaan farxad inkastoo dhibaatooyin kala kulmaan jasiiradda, sidaana waxa qoray wargayska Turkiga ee Hurriyet.

Inta aysan ka soo guurin Jarmalka, waxay la taacaalayeen dhibaatooyin dhaqaale oo aad u culus gaar ahaan markii uu xanuusaday wiilkoodii oo maskaxda dhiig uga furmay 2003, daaweyntiisana waxaa ugu baxay dhaqaala aad u badan.

kadib markii uu geeriyooday wiilkoodii waxay go’aansadeen inay ka tagaan Jarmalka oo ay u guraan jasiirad balaceedo aanu ka badneyn 275,000 mitir murabac.

Nolashii casriga aheyd ay ku jireen markii ay Jarmalka joogeen intey ka soo baxeen ayey kaligood dib u naash-naashteen mid ka mid guryihii hore ee Jaziirada ka taagnaa.

Waxay daboolayaan baahiyahooda nolol, iyagoo dhaqdo iddo, digaag iyo shinbiraha kale oo la cuno, biyahana waxay ka soo dhaansadan ceel jazeerada ku yaalo.

Subaxnimadii hore ayey hurdada ka soo kacaan, xoolaha ay dhaqdaan markey quudiyaan waxay ku soo wareegaan jasiiradda.

Xuseen Afkan ayaa yiri : waxan ku noolnahay nolol nabad oo caafimaad qab ah, aniga iyo xaaskeyga ma dareemayno caajis, sababtoo ah eheladeena ayaa inta badan na soo booqanaya.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here