Isagoo Shaqo La’aan ah ayuu Ku Guuleystay $ 273 milyan.

45

Waxuu ku sigtay inuu lumiyo fursadii ​​uu ku heli lahaa lacagtaasi markii uga lumay tigidka bahktiyaa nasiibka isagoo dukaan New Jersey ku yaalo wax ka iibsanaayo.

Waxuu yiri, nasiib darro, markii aan rabay in aan ka baxo dukaanka telefankayga ayaa i mashquuliyey, laakiin nasiib wanaag waxaan ku soo laabtay maalintii xigtay, hadii aan dib ugu soo noqon laheyn maalinta xigtay anoo raadinaayo ma aanan heleen $ 273 milyan oo doolar.

Ninkani oo da’diisu tahay 54 sano jir ayaa shaqo la’aan ahaa, mar uu telefishanka hadal siinayey ayuu yiri “ma aan rumaysan runtii waxaan helay,” waxuu uu mahad celiyay qofka helay tigidka ee u dhiibay milkiilihii dukaanka.

“Waxaan rajeynayaa in aan helo ninkaasi daacada ah oo dib iigu soo celiyey tigidkii, waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo,” ayuu yiri, “waan hubaa inaan siin doono wax.”

Ninka tigidka soo celiyey wuxuu awood kari lahaa inuu dalbado lacagtaasi haddii uu tigidhka sii heysan lahaa,” sida laga soo xigtay saraakiisha bakhtiyaa nasiibka.

Mickael mar uu ka hadlay xaaladiisa ayuu shaaca ka qaaday inay kala tageen naagtiisa dayrtii la soo dhaafay sababo la xariiro dhibaatooyinka ka dhashay shaqa la’aanta ku dhacday, isagoo muujiyay sida uu ugu farax sanyahay inuu ku guuleystay lacagtaan uusan filaneynin, ayuu yiri “waxaan rajaynayaa inaan naftayda wax ka beddeli doono”

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here