7 waxyaabood oo keena geerida ugu badan Caalamka

154

Sanadkii 2017 wuxuu aduunka ku  geeriyooday 56 milyan oo qof. Tiradaasina waxay ka badan tahay 10 milyan markii la barbar-dhigo tiradii dhimatay sanadkii 1990, hadab maxay yihiin waxyaaaba  keenay kororka dhimasho?

In ka badan boqolkiiba 70 dadku waxay u dhintaan cudurada aan la is-qaadsiinin iyo kuwa aan dabadheran ee la nool qofka, kuwaas oo si tartiib ah u koraayo.

Liiskaani hoose waxaad ku arki doontaa cudurada aan la is-qaadsiinnin ee intabadan loo dhinto balsa la yareyn karo dhimashadooda.

1. Dhiig karka

Dhiig karku wuxuu yimaadaa markii cadaadiska dhiigga uu sarreeyo, waxaana sababo caadaadis ku yimaado marinnada dhiiga ku dhax socdo ee wadnaah ka soo baxo,  iyada oo uu kor u kaco xolwliga uu ku qulqulo dhiiga.
Tirada u dhimato cudurkaani sannadkii oo dhan adduunka waxaa lagu qiyaasaa 1.2 milyan oo qofk.

2. Cudurka wadnaha

Cudurka Wadna xanuunka  ayaa noqday midka ka mid ah cudurada ugu dhimashada badnaa adduunka, waxaan la sheegay inuu mas’uul ka yahay dhimashada addex meelood meel dadka Aduunka ku nool.

Sida ay sheegeen kubara caafimaad, dhimashada uu sababa wadna xanunka ayaa laba jeer ku labo laabanto dhimaashada  kuu keena xanuunka Kansarka .

3. Shubanka
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu naxdinta  badan caalamka oo ilaa iyo haddeer keeno dhimasho badan  balsa  la yareeyn karo waxaa ka mid ah Shubanka. Sanadkii 2017, 1.6 malyan oo qof ayaa u geeriyooday cudurkaasi, midaas oo ka dhigeysa  cudurkaani mid ka mid ah tobanka cudur ee ugu sareeya dunuda ee sababo dhimasho badan .

4. dhallaanka
geerida ku  timaado ilmaha  yaryar  ayaa sii siyaaday caalamka, tusaale ahaan, geerida ku timaado dhallaanka 28-ka maalmood ee ugu horreeya dhalashadooda  waxay gaartay 1.8 milyan sannadkii 2017.

Intabadan dhimashada noocan oo kale ah waa ay ku kala duwan yihiin wadamada oo dhan. Dalka Japan, qiyaastii kunkii cunug,  28 maalmood ee ugu horreeya dhalashadooda waxaa dhinto wax ka yar hal cunug, halka dalalka ugu saboolsan dunida 20-kii ilmaba uu dhinto qayaastii hal cunug .

5. Shilalka wadooyinka
Sababaha keena geerida ayaa sidoo kale lagu daraa shilalka waddooyinka ka dhaco, taasoo kor u qaado  kororka dhimashada xitaa dalalka hodanka ah iyo kuwa Saboolka ah labadoodaba. Sanad waliba waxaa ku dhinta shilalka noocaan ah dad gaarayo 1.3 milyan oo qof.

In kastoo aad arkeyso waddamo badan oo dakhligoodu sarreeyo inuu hoos u dhac ku yimid heerarka dhimasho tobanaankii sano ee la soo dhaafay, balse hadan shilalka noocaan ah ee aduunka ka dhaco waa mid aan waxba is dhimi.

6. Is-dal-dalida
dhimashada ka dhalato is-dal-dalida ayaa  wuxuu laba jeer  ka sarreeya dilalka ka dhasho dhacdooyina  caadiga  ee dileed markii la eego wadamada reer Galbeedka.

Boqortooyada Ingiriiska,  waxaa  kor u kacay 16%   is-daldalida  , waxayna noqotay wayaalaha ugu weyn ee keeno geerida ragga da’doodu ay u dhaxeyso 20 ilaa 40.

7. Sokorowga/Macaanka

Waxaa jira laba nooc oo sonkorow ah, nooca hore qofka xanuunsan ma awooda jirkiisa in uu maadada Glucose-ka u rogo tamar, taas oo jirka ka dhigeysa inuusan soo saarin insulin ku filan, halka nooca labaad aanu insulin-ta jirka si fiican u shaqeynin.

Afrika dadka la nool cudurkaani waxaa lagu qiyaasaa 22 milyan, halka Yurub dadka qabo ay qaaraan 52 milyan oo qof.
Waxaa u dhinta Hal qof 7 ilbiriqsi kasta xanuunka sokorowga.

Sida ay shaacisay Hay’ada Caafimaadka Aduunka “WHO” tirada u dhinta adduunka xanuunadaani ayaa lagu qiyaasay 56 milyan oo qof sanadkii 2017, Sababaha dhimashadaasi keentay ayaa kala duwnaa, balse 68% waxay u dhinteen cudurada aan la isku gudbin ee aan ko ku soo sheegay, sida xanuunka wadnaha, kansarka, shubanka iyo kuwa sambabaha ku dhaco, halke 23% ay u dhinteen sababo la xariiro xanuunada faafa, Cuna Xumi iyo dhiciska dhalaanka. Inta kale oo 9% ah waxay u geeriyoodaan dhaawacyo ka soo gaartay shilal kale oo ku dhacay.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here