Wargeysa “The Guardian” ayaa shaaca ka qaaday muran sii kordhaya oo u dhexeeya Boqor Salman iyo wiilkiisa.

46

Wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa Talaadadii bidhaamiyay khilaaf u dhaxeeya Boqor Salman bin Abdul Cziz iyo wiilkiisii, dhaxalka leh ee Mohammed bin Salman.

Sida laga soo xigtay wargeyska, boqor Salman iyo wiilkiisa  ayaa ku kala aragti duwanaa toddobaadyadii la soo dhaafay siyaasado muhiim u ah Sacuudiga  oo ay ka mid yihiin dagaalka Yaman iyo dilka saxifigii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi, kaasoo lagu khaarajiyay  gudaha qunsuliyadda  Sacuudiga ee magaalada Istanbul horaantii October, kadib markii koox hubaysani ay si xun ula dhaqantay, taas oo CIA-da Maraykanku ku sheegtay dhaxal sugaha bin Salman in amar lagu dilay uu  bixiyay.

Sida laga soo xigtay The Guardian, xiisadaha iyo khilaafka u dhaxeeya boqorka iyo wiilkiisa Maxamed ayaa si aad ah u soo kordhay dhammaadkii bisha Febraayo, markii uu boqor Salman booqday Dalka  Masar  sida ay ilo gaar ah u sheegen wargeyska. Il-wareedka ayaa intaas ku daray  in  la taliyayaashiisa ay uga digeen halis ugu imaan karta wiilkiisa oo laga yaaba isaga in uu talada ka tuuro.

Isla ilahaas ayaa Wargeyska u sheegay in la taliyaashiisa ku hareereysan boqor Salman ay aad uga welwelsan yihiin in xukunkiisa uu wajahi karo khatar hadii uu u safro Maser, heer ay u direen koox Cusub oo oo ka kooban 30  qof oo ah Nabad-sugida daacad u ah Boqorka, kuwaasoo looga soo xulay Wasaaradda Arrimaha Gudaha si ay u ilaaliyaan Boqorka, iyaga oo ku beddelay kooxdii markii hore la diray.
Hawlgalkan ayaa jawaab degdeg ah u ah cabsida qaar ka mid ah xubnaha  loo xilsaaray in ay ku ilaalinayaan boqorka  intuu joogo Dalka Masar ay noqon karaan kuwa  daacad u ah Dhaxal-sugaha Maxmed Bin Salman, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah.
Sarkaal aan heybtiisa la shaacin ayaa sidoo kale wargeyska u dusiyay in xiisada u dhaxeysa Boqorka Sacuudiga iyo wiilkiisa u muuqatay ka maqnaanshaha Maxamed bin Salman soo dhaweyntii Aabahii markii uu ka soo laabtay Masar, sida ay xaqiijisay faafin rasmi ah.

“Waxaa jira calaamado muhiim ah oo ku saabsan wax aan caadi aheyn oo ka socda qasriga boqortooyada Sacuudiya,” ayuu yiri Bruce Riedel, oo ah khabiir ku xeeldheer arimaha Sacuudiga, kana tirsan Machadka Brookings.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here