Booliska Jamhuuriyada Jeeg ayaa toogasho ku dilay libaax kadib markii uu si xun u weeraray ninkii lahaa.

44

Booliska Jamhuuriyada Jeeg ayaa toogasho ku dilay libaax kadib markii uu si xun u weeraray ninkii lahaa oo ku barbaarinaayey qafis beera gurigiisa dhax yaalo sida warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi ay sheegtay.

Libaaxa ayaa weeraray Michal Prasik kadib markii uu ugu galay qafiskiisii libaaxa, booliska aya ku dilay libaaxii gudaha qafiska dhaxdiisa.

Milkiilaha libaaxa oo 33 jir ah ayaa geeriyooday ka dib markii uu libaaxa ku dhax cunay isagoo qafaskii ku jiro ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliska.
waxuu intaa sii raaciyey ” inaan dilnaa libaax ayaan ku qasabanaanay si aan u gaarno ninkaa oo gudaha qafiska kula jiro libaaxa.”

Prasik ayaa wuxuu libaaxaani ka keensaday Slovakia sannadkii 2016-kii.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here