Amisom oo qaraxyo lagula eegtay nawaaxiga Warshadii hore ee Baastada

75

Ciidamada Amisom ayaa maanta duhurkii waxaa laba qarax oo miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay Nawaaxiga Warshadii hore ee Baastada Degmada Yaaqshiid.

Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in kolonyo Amisom oo halkaasi mareysay lala eegtay, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Qof deegaanka ah ayaa sheegay inuu si wayn u maqlay jugta labada qarax ee Ciidamada Amisom lala eegtay, balse uusan ogeyn khasaaraha ka dhashay.

“Qaraxyada Ciidamada Amisom ayaa lala eegtay agagaarka Warshada baastada ayaga oo maraayo meeshaan dhawr mar ayeey wax ka dhaceen oo qarax ah oo Amisom lala eegtay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here