Daraasad Cusub: qofka dheer oo u nugul xanuunka kansarka.

141

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in dadka dhaadheer ay si weyn ugu nugul yihiin inuu ku dhaco xanuunka kansarka markii loo eego kuwa gaagaaban.

Cilmi-baaristaani cusub oo uu sameeyey Leonard Noni oo ah Professor ka dhiga cilmiga bayoolajiga jaamacadda California Riverside, ayaa yiri: dadka dhaadheer waxay u nugul yihiin halista xanuunka kansarka waayo jirkooda waxuu xanbaarsanyahay unugyo badan oo soo jiidan karo ama keeni karo inuu ka abuuro kansarka .

Professorka ayaa sameeyay daraasad ballaaran, wuxuna ku sameeyay
10,000 oo xaaladood oo qabo xanuunka kansarka, oo rag iyo haween isugu jira.

23 xaaladood oo 18 ka mid uu ka helay xanuunka kansarka ayaa wuxuu ku ogaaday Professorka inuu jiro xiriirka ka dhexeeya tirada guud ee unugyada ku jiro jirka qofka iyo xanuunka kansarka.

Waxaa kala oo uu ogaaday in haweenka dhaadheer ay halista xanuunkani
uga nugul yihiin 12 boqolkiiba, Marka loo eego ragga dhaadheer oo u nugul xanuunkani inuu ku dhaco 9 boqokiiba.

Xiriirka ka dhexeeya kansarka iyo dhirika ayaa ahaa arin la ogaa balse lama aqoonin sababta ka danbeyso, sidaas waxaa yiri Georgina Hill oo ka tirsan Xarunta Cilmi-baarista Kansarka ee UK.

Hill ayaa sheegay in daraasaddan ay soo heshay cadaymo muujinaayo soo daahiradda xanuunkan in uu la xariiro tirada guud ee unugyada qofka jirkiisu uu xanbaarsanyahay, balse waxuu cadeeyey in ay jiraan waxyaale kale oo ka saameyn badan dhirirka oo keeni karo inuu u nuglaado qof inuu ku dhaco xanuunka kansarka oo la xariiro hab nololeedka qofka, sida cabida sigaarka iyo miisaanka qofka.

Darasadaani ayaa sheegtay dhiririka dhaxddaxaadka ee hawenka inuu yahay 162 sentimiter, halka ragana ay ku tilmaantay inuu yahay 175 sentimiter.

Natiijooyinka ay soo bandhigtay daraasaddan ayaa waxay waafaqsanyihiin daraasado hore oo tilmaamayey in qofka dheer uu u nugul yahay xaalada badan oo caafimaad darro ah, sida inuu u nugul yahay inuu ku dhaco xanuunadda wadnaha, sonkorowga ” macaanka” iyo Maskax dhiig furanka oo loo yaqaano afka qalaad (Stroke ).

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here