(DARAASAD): Maxay yihiin halisaha khuurada!?

148

Qofka khuuriya ayaan dareemin hurdo raaxo leh inta uu jiifo wuxuuna daremaa dawakhaad markii uu ka soo kaco hurdada , taas oo keenta inuu lulmooda maalintii oo dhan.

khuuradu waxa ay timaadaa markii hawadu aysan si caadi ah uga gudbin marinnada hawada qaado, ama uu caburmo muruqa ay hawada marto, taasoo keenaysa in uu sameysmo codka khuurada, ayna dareemaan khuuradaasi inta la jiifo qofkaasi, balse uusan dareemin isaga khuuradiisa.

Khuurada ayaa keenta inuu hoos uga dhaco heerka Oksijiinka dhiiga si ka hooseeyo heerka caadiga ah, halkaas oo ay ka dhalan karto khatar badan oo aan u muuqan qofka khuuriyo.

Hoos u dhac Oksijiinka dhiiga ayaa dhaco kadib markii uu qof khuurinaayo neeftii uu jiidan lahaa ama uu qaadanayey uusan si caadi ah u qaadanin, waxayna xaaladaha qaar gaartaa in neefta uu qaadanayey ay istaagto inta uu ku jira hurdada dhowr jeer.

Koox cilmi-baarayaal ah oo ka kala socda jaamacado ku yaaalo dalka Japan ayaa sameeyay daraasad ballaaran, waxayna ku sameeyeen kumanaan qof oo ka mid ah kuwa khuuriya.

Waxay ogaadeen in inta u nugul inuu ku dhaco xanuunka ” Maskax dhiig furanka”(Stroke ) uu kor u kaco 3.3 laba-laab Marka loo barbardhigo dadka caadiga ah ee aan xanuunka khuurada qabin

Daraasadda ayey sidoo kale ku ogaadeen inuu kor u kaco tirada u nugul inuu ku dhaco xanuunka Macaanka 1.7 laba-laab, Marka loo barbardhigo dadka caadiga ah ee aan xanuunka khuurada qabin.

Waxay sidoo kale daraasadaani ku sheegeen in inta inuu ku dhaco xanuunka Niyad-jabka (disperse) uu kor u kaco 2.6 laba-laab, Marka loo barbardhigo dadka caadiga ah ee aan xanuunka khuurada qabin ah.

Daraasada ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah hababka ugu fudud ee wax ku oolka ah oo lagu daweynkaro xanuunkani, gaar ahaan kuwa xaaladaha xanuuneedkooda uu dhaxdhaxaadku yahay.

Waxayna daraasada ku soo koobtay in qofka qabo xanuunka khuurada uu afkiisa geliyo caag balaastik ah ama cinjir markuu hurdada rabo.

Faa’iidadu uuu leeayahay Cinjirkaasi ayaa ah in daanka (qalka) hoose uu u soo dhaqaajiyo waxyar uun horay, taas oo sii ballaarinta aagga marinka u ahayd hawada, waxayna ka hortagtaa in uu khuuriyo qofka sida ku cad sawirka ku lifaaqan.

Waxa ay daraasaddu soo saartay xal la-mood lagula tacaalo khuurrada kaasoo ah isticmaalka caagga balaastiigga ah ama cinjirka ay ilkaha ku xirtaan feeryahannada marka ay dagaalamayaan si ay ilkahood u ilaalsadaan.

Muuqaalka ka daawo halkaan

W.Q. C/qadir Cumar Cusman Kuul.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan STN TV, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Email:info@stnsomali.com
Mahadsanidiin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here