Masar: Maxaa keenay in la xiro qoraagii kitaabka (Masar ma dal sabool ah baa?)

252

Ciidamada amaanka Masar ayaa xabsiga u taxaabay Cabdul Khaliq Farouk maalmo kadib markii lala wareegay kitaab uu qoray oo loogu magac daray “Masar ma dal sabool ahaa” ? Waxaa sidoo kale la xiray Ibrahim Khadhib oo ahaa Milkiilihii madbacada daabacday kitaabkaa inkastoo la sheegay inuu heystay ruqsad uu ku daabaco kitaabka.

Maxay ka bilaabatay arintaan.?

Arintani ayaa bilaabatay kadib markii Farouk uu shaaciyey in Ciidamada Amniga Qaranka ay suuqa ka saareen kitaab uu qoray, sidoo kalana la xiray milkiilihii lahaa madbacada, isagoo waliba heysto ogolaanshaha rasmiga ah oo ku daabici karo kitaabka.

Farouk ayaa sidoo kale ku faafiyey baraha bulashada, gaar ahaan boggiisa rasmiga ee “Facebook” kitaabka la mamnuucay faafintiisa isaga oo jabinaayo go’aankii xukuumada ay ku mamnuucday faafintiisa.

Kadib Markii la mamnuucay kitaabka, Waxaa uu si deg deg ah ugu fiday nuqulkii kitaabka baraha internetka, waxaana la soo galiyey bogag badan oo ay dadka kala dagi karaan, taasoo oo la filaayo iney ka careysiisay xumumada Masar.

Xaaskiisa maxay ka tiri xiridiisa?

Hawenayda uu qabo Farouk, ayaa ku shaacisay Axadii bogeeda “Facebook”, in ciidamada ay ka wateen ninkeeda gurigiisa oo ku yaala bariga Qaahira maalma kadib markii dolwada la wareeggtay kitaabki uu qoray.

Salaama, oo ah haweenaydii uu qabay ninka kitabka qoray ayaa tiri: hadii kuwa xiray ay lahaan lahayeen dareen akhris kitaabkaan waxuu u noqon lahaa fure ay ku xaliyaan dhibaatada dhaqaale ee heysata dalka, waayo kitaabkani ma soo bandhigin kaliye dhibaatooyinka dhaqaale ee heysta dalka balse waxuu soo bandhigay qoraaga mushkilad kasta iyo sidii loo xalin lahaa oo cilmiyeeysan.

Mar ay ka hadleysay xalaadisana waxay tiri: “xaladiisa way fiicantahay balse waa qof da’ah, Waxaan ka cabsanayaa caddaalad darro.”

Masaarida siday u arkeen arintaan.?

Xariga khabiirkani ayaa dhaliyey xaalado caro oo ku wajahan nidaamka dalka ka taliyo, iyada oo loo marinaayay fariima lagu dhaliilayo baraha bulshada ay ku wada xariiraan Masaarida.

Yaxya Xussein Abdul Hadi, bartiisa “Facebook” hadal qoraal ah oo uu soo dhigay ayuu ku yiri ” waxuu isku dayay Farouk inuu cadeeyo in Masar aysan ahayn dal sabool ah balse lagu haayo boob ba’an, arintaana tuugadii boobka waday oo kaliye ayaa ka carooday .

Islaam al-Katatni ayaa isna yiri: “Taariikhda ayaa xusi in Sisi uu u xiranyahay khabiir dhaqaalyahan ah oo cadeeyey Masar inaysan ahayn dal faqiir ah.

Muxuu ugu hadlay kitaabka?

Qoraaga kitaabka oo ah khabiir dhaqaalaha bartay, kana soo qabtay masar xilal badan ayaa is waydiiyey su’aalo badan oo ay ka mid ahaayeen cida maalgalineyso caasimada cusub ee uu dhisaayo Siisi.
Waxaa uu soo bandhigay sida khaldan ee loo maareyo kheyraadka dalka , siiba saliida batroolka iyo gaaska, iyo lacagaha faradabadan ee uga lumay dallka qandaraasyo gaas oo dowlada la gashay Israel.

Mid ka mid ah cutubyada buugga ayuu Farouk ku dhaleeceeyay sharciyada iyo qawaaninta farada badan ee uu soo saaray Sisi ka dib markii uu awoodaha laamaha fulinta iyo sharciga gacantiisa soo wada galiyey, si gaar ahna waxaa uga hadlay xisaabta lacag gaar ah oo tira badan oo laga aruuriyay shacabka loona sameeystay sanduuqyo tira badan, wuxuuna yidhi: habdhaqankaa oo dhan waxuu lid ku ahaa kacdoonkii January, waxuuna saldhig u yahay musuqa hada jiro, isagoo ku baaqay in labaabi’iyo sanduuqyadaasi.

Qoraaga Buugga ayaa sidoo kale wuxuu is weeydiiyay lacagta lagu shubay Sanduuq loogu macagdaray “Ha noolaato Masar” oo tobanaan bilyan aheyd, taasi oo aheyd deeq laga aruuriyay shacabka Masar, balse hab ahaan ka baxsaneyd nidaam xisaabeedka guud ee maaliyadeed oo ilaa iyo hadana la garanayo xajmigeeda dhabta ah ee lacagtaasi iyo habka loo maareeyay, isagoo cadeeyay in siyaasadahaasi ay sii kordhiyeen siina kobciyeen musuqmaasuqa baahay ee dalka.

Waxa sidoo kale uu dhaleeceeyay Farouk go’aamo iyo dikreetooyinkii farada badnaa ee kor u dhaafayay afar boqol oo u soosaaray Siisi ka hor doorashada baarlamaanka, ayna ka mid aheyd Dikreetadii Law No. (57) ee sanadka 2016, ee loogu qoondeyey dhul caasimad cusub ee uu dalka yeelanayo iyo ciidamadii oo la siiyo awood ballaaran, isagoo ku tilmaamay qodobadaasi iney yihiin kuwii ugu khatarta badnaa ee daaha ka fayday heer musuq ee hey’adaha dowlada ka dhax jiro iyo intuu dhanyahay mugiisa.

Dad badan ayaa waxay aaminsan yihiin in kitaabkani cusub uu jawaab u ahaa hadalkii madaxaweynaha Masar Cabdititax Sisi ee uu muddo dheer ku cel-celin jiray, kàas oo ah “Masar waa dal xoogan oo faqiir ah”.

Qoraaga buuga ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay isbadalkii uu ku yimid kursiga madaxweynanimada Cabdititax Sisi kadib markuu ka faramaroojiyay talada madaxweynihii hore ee Maxamed Mursi.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here