Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga: Ma garanayno halkuu jiro maydkii Khashoggi

390

Wasiirka arrimaha dibadda ee Saudi Arabia, Cadil al-Jubeyr¬† ayaa Axaddii sheegay in Riyadh aysan garanayn meesha uu jiro maydkii qoraaga Sacuudiga Jamal Khashoggi, isaga oo ku tilmaamay dilkiisii “qalad wayn”.

Wasiirka ayaa wareysi uu siiyay Fox News sheegay in Washinton iyo Riyadh ay arrintaan ka gudbi doonaan, asigoo ku nuuxnuuxsaday in dhaxal sugaha Saudi Arabia Maxamed Bin Salman aanu ka warqabin dhacdadii ka dhacday qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul labadii bishii October.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in boqor Salman ka go’aantahay inuu ciqaabo cida masuulka ka ah dhimashadiisa.

Riyadh ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in Khashoggi lagu dilay qunsuliyadeeda ku taalo Istanbul ka dib markii uu dhax marey muran keenay dagaal.

Madaxweynaha Turkiga Rejep dayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in uu soo bandhigi doono xaqiiqda Dilki Jamaal Khashoggi oo dhameystiran, waxuuna yiri: waxaan ka hadli doonaa waxii la xariiro arintaani talaadada soosocota.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here