Haweeney ka soo dhacday diyaarad.

610

Haweeney ka mid ah shaqaalaha shirkada duulimaadka Indian Airline ayaa ka dhacday diyaarada kadib markii ay isku dayday in ay xirto albaabka danbe ee diyaarada.

Sargaal sare oo ka tirsan Shirkadda diyaaradaasi leh ayaa sheegtay in kalkaalisada ay hoos u ga soo dhacday diyaarada xili ay isku diyaarinaysay inay soo dhaweyso rakaab soo koraayey diyaarda.

Waxuu intaa sii raaciyey in kalkaalisada oo uu magaceeda ku sheegay Harsha Lobo uu ka soo gaaray jab lugaha kadib shilkaasi, hadana lagu dawaynayo cusbitaalka, xaaladeeda caafimaad way wanaagsantahay, waxaana socda baaritan si loo ogaado sababaha dhabta ah ee shilka keenay.

Shirkaddaan oo ay leedahay dolwada Hindiya ayaa todobaadkii hore ka joojisay shaqada laba ka mid ah duuliyayaasheeda ka dib markii diyaarada ay saarnaayeen 136 rakaab ay ku dhufteen darbi xili ay ka duulaysay garoonka diyaarada.

Inkastoo diyaarada uu dhaawac soo gaaray balse duuliyahii muusan dib ugu soo celinin garoonka, waxayna iska sii wateen duulimaadkoodii iyagoo hawada ku jiray muuda afar saacadood ah.

Walow diyaarad ay si nabadgelyo leh u taktay halkii ay u socotay hadana rakaabka khatar ayuu geliyay.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here