Faallo: Runtii xanuunka badneyd.

337

Ugu dambeyntii “runtii xanuunka badneyd” way soo baxday, Waa danbi culus oo aad u foolxun oo galay liiska dheer ee diiwaanka tacadiyada ay geysteen Reer Aala Sacuud.

Maka mid aheyn dhaqanka Carabta, xitaa kuwooda Jaahilka iyo gaaladii Qureeshba in qof hooygaaga jooga ama marti ah la dilo, ceeb bey ahayd! cadawgaadaba ha noqdee.

Gaaladu Qureysh markii ay maleegayeen shirqoolkii lagu dili lahaa Nebi Muxammed NNKH, qabiil walba nin ayey ka soo wadeen, waxaa ay doorbideen iney dhaafin irridda gurigiisa, habeenkii oo dhan halkaas ayey ku nagaayeen, waxayna  sugayeen ilaa goorta uu usoo baxaayo banaanka xiliga Salaadda subax, inkasta oo ay awoodeen in ay jebiyaan guriga irridiisa oo ay galaan guriga xilli hore.

Mid ka mid ah ayaa isku dayay inuu soo jeediyo iney gudaha u galaan guriga, kaliya soo jeedin ayay aheyd, balse Abu Jahal ayaa si cara leh ugu jawabay oo yiri : “war hadii aan u dhacno gudaha guriga soo Carabi nama oranayaan waxaad meel uga dhacdeen oo aad ku xadgudubteen xurmadii uu lahaa guriga iyo qoyska iyo dhaqan suubanaa ee carabta lagu yaqiiinay, war soo magac xuma iyo taariikh xuma nagama raaceyso.?

Markuu Abu Sufyan intii uu gaalka ahaa ayuu usoo baxay maalin maalmaha ka mid ah isaga iyo kolonya kale oo reer Qureysh ah dhulkii Ruum, oo uu Boqorka ka aha Hirqal (Hercules) boqorkii reer Ruum ayaa u yeeray Abu Sufyan si uu ugu wareysto Nabiga unu ogaado inuu Nabiga beenlow uu yahay ama uu khaa’in yahay ama uu dilo dadka iyo in kale.

Abuu Sufyaan oo arintaas ka sheekeynaayo ayaa yiri : “ilaahan ku dhaartee hadii aan ka baqeynin ama aan la oraneyn Abuu Sufyaan waa Beenlow, been ayaan ka sheegi lahaa Muxammed Malintaasi” macnaha waxuu diiday inuu u caayo Nabiga oo cadawgiisa ahaa ama uu been ka sheego asigoo awooda balse cabsi ka qabo bulshadiisa markii uu ku noqda iney dhahaan Abuu Sufyaan Been buu sheegay, waxuu ilaalsanaayey isagoo gaal ah  Sumcadiisa .

Abu Jahal wuu u dhici lahaa Nabiga gurigisa hadii markii uu ku soo dhax laabto bulshadiisa uusan ka baqeyn iney falkaasi ku ceebeeyaan, sidoo kale Abu Sufyan hadii uu been ka sheegi lahaa Nabi Muxamed waxuu ogyahay inuu ku dhax ceebbobi laha bulshada, uuna wayn lahaa sumcadiisa.

Waxay lahaayeen Carabtii hore akhlaq iyo dhaqan suuban laakin waxaa gaarnay xilli aanu jirin dhaqan iyo akhlaaq oo dadnimadii ay sii dhamaaneyso, heer dhimashada iyo dilka uu noqday wax caadi ah.

kama hadlayo kaliya dilkii Gamal Khashoggi, waxaa ka socdo Yaman muddo sanado ah waa dhibaato kale.

Inkastoo ay iyagu isugu yeeraan iney yihiin Xarameynka khaadimkoodii, balse xaqiiqdii xarameynka agtoodaa waxuu ka yahay aalada ay ku balaariyaan uguna adeegaan ku sii baaqi ahaanshada xukunka.

Magaraneysaa Huuhaa hirgashay?, Waa adigoo sheegtay inaad tahay “khaadimkii Xaramaynka” kadibna daadiyo dhiig ka xurmad badan xarameynka laftiisa.

Ugu dambeyntii, waxaan ugu tacsiyadeynayaa bulsha waynta Sacuudiga geerida muwaadinka Sacuudiga Jamal Khashoggi, Ilaahay ha u naxariisto, inta dhibbanaha ahna Alla faraj ha u feydo, kuwa dulmiga ku hayana iyo inta ku naa-naabana Eeba haka qabto.

W/Q: C/qadir Cumar Cusman Kuul.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan STN TV, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Email:info@stnsomali.com
Mahadsanidiin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here