Canada iyo Japan oo ka hadlay qirashada Sacuudiga ee dhimashada Khashoggi

327

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Taro Kono ayaa ku baaqay in si ballaaran loo baaro dilka qoraaga Sacuudiyanka ah Jamaal Khashoggi.

Sida laga soo xigtay kanalka NHK, wasiirka ayaa asoo booqasha ku jooga Denmarka yiri : ” Tani waa nasiib darro, Waxaan ku baaqeynaa baaritaan balaaran oo ku saabsan dhacdadaas iyo in loo qaado kiiskaasi si ay ka muuqato daahfurnaan hufan.”

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Kanada Christia Freeland ayaa soo saartay war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga wasaarada, kaas oo ka hadlaayey qirashadii boqortooyada sacuudiga dilkii qoraaga Khashoggi.

Wasiirka ayaa yiri: Canada waxay cambaareynaysaa dilka loo geystay Qoraaga Jamal Khashoggi kaasi oo ay qiratay boqortoyada Sucuudiga in qunsuliyadda Istanbul lagu dhax dilay.

Jamal Khashoggi oo ahaa qoraa Sacuudiyan ah isla markaana mucaarad ku ahaa boqortoyada oo maqaala ku soo qori jiray Wargeyska Washington Post, ayaa la waayay kadib markii uu galay qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee Istanbuul 2-dii October.

In ka badan laba toddobaad markii la waayay, ayey Boqortoyada Sucuudiga qirtay shalay dhimashada Khashoggi iyada oo ku dooday inuu u dhintay “muran isubadalay dagaal ooo dhaxmaray isaga iyo koox qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul Ku sugnaa”

Xeer ilaaliyaha guud ee Sacuudiga Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in baadhitaankii ugu horreeyay ee kiiska Khashoggi uu muujiyay geeridiisa kadib markii uu gacan ka hadal ka dhex dhacay qunsuliyada , isagoo sheegay in loo xiray kiiskaasi 18 qof oo uu baaritaan ku socdo, inkastoo weli la arkin maydkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here