Dawladda Aljeeriya oo mamnuucday indhashareerka.

438

xukuumadda Algeria ayaa go’aansatay in goobaha shaqada ay ka mamnuucdo indhashareerka iyo dhar kasto oo keenayo in aan la aqoonsanin qofka markuu goobta shaqada joogo.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya Ahmed Oyahi aya lagu faray dhamaan shaqaalaha dowlada iney ka reebantahay xirashada dhar kasto oo keenayo inuu qofka ka hor istaago gudashada waajibaadkiisa shaqo, Gaar ahaan indhashareerka oo si adag looga mamnuucay goobaha shaqada.

Tilaabadan ay qaaday xukuumada ayey si weeyn ugu kala aragti duwanaayeen shacabka Aljeeriya, qaar ayaa soo dhaweeyey go’aankii xukuumada, qaar kalana way canbaareeyeeyn iyagoo u arkay in xukuumadu tahay mid faraglineyso xuriyaadka dadka .

Waxa ka mid ah dadkii soo dhaweeyay go’aanka xukuumada , lataliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Adda Falaxi waxuuna yiri “Haa, in la mamnuuco indhashareerka waa soo dhaweynayaa waayo indhashareerka waa dhaqan bulsho ee ma aha waajib sharci ama mid diini ah”

Dhinaca kale, isuduwaha qaran ee macalimiinta ka dhigto Culuumta Islaamka ee Aljeeriya ayaa boggiisa facebook is waydiiyey ” waqtigee uu indhashareerka dalkeena dhibaato ku ahaa? Hadase dhibaato noocee ah ayuu ku hayaa buslahada?

Maxamed Xamani oo ah qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Adanaha ayaa Isagoo ka hadlayo go’aanka xukuumadda bartiisa Twiterka soo dhigay “Waxaan qabaa in marka hore ay mudnayd in laga nadiifiyo goobaha shaqada musuq-maasuqa iyo garabeeshinka ka socda xafiisyada shaqa siinta ee qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here